Mihiimadda Ay Nidaam Siyaasadeedka Lacagtu U Leedahay Horumarinta Dhaqaalaha
Dawan News
Smiley face
January 4th, 2016
Mihiimadda Ay Nidaam Siyaasadeedka Lacagtu U Leedahay Horumarinta Dhaqaalaha

Waddamada ku jira aafooyinka kacaa-kufka dhaqaalaha waxa ugu wacan baaxadagga iyo muquurashada mawjadaha dhaqaale xumada, inkasta oo ay tiro badan yihiin hadda na waxa door weyn ku leh hanaankooga ay u dajisan tahay siyaasadda lacagta, taas oo uu maamulkeeda leeyahay inta badan baanka dhexe. Inta badan marka siyaasadda lacagta laga hadlayo ahmiyaddeeda iyo hanaankeega ba way baaxad badan tahay, balse qormadeenan waxaynu ka soo qaadanaynaa dhawrka qodob ee ugu mihiimsan.
Waddamada uu dishooday dib u dhaca dhaqaalaha inay ka soo kabtaan oo uu dhaqaalahoogu sameeyo is beddal waxa lagama maarmaan u ah inay daweeyaan saxaan oo ay dajiyaan siyaasaddadooda lacagta, hadda ba aynu eegno dariiqyada ay tahay inay maraan.
1. Abuuridda iyo ballaadhinta haay’adaha maaliyadda (Creation and Expansion of Financial Institutions) qodobkani waa mid ka mid ah ujeeddooyinka siyaasadda lacagta laga leeyahay, waxaanu mihiim u yahay in la horumariyo dhaqaalaha waddanka. Wuxuu qodobkani koobsanayaa in la tayeeyo hay’adaha maaliyadda ee jira, kuwo cusub na la abuuro, sida oo kale waxa mihiim ah in la helo hanaan deymeed lagu taageero bulshada ku jirta suuqa si uu kobac iyo tadawur (horumar) u sameeyo ganacsigu, waxa iyaduna qodobkani leeyahay dhulka miyiga ah waa in laga yegleellaa adeeg daymeedka si loogu ilaaliyo noloshooda. Waxa isna bud-dhig u ah qodobkan in la isku dheeli tiro maalgalinta iyo keydinta lacagaha, iyada oo la ilaalinayo bangiyada ganacsiga ah hanaankooga shaqo.
2. Isku dheelitirka lacagta loo baahan yahay iyo sii deynteeda ( Proper Adjustment between Demand for Supply of Money) siyaasadda lacagta, qodobkani wuxuu ugu jiraa halka bukaanka dawadu ugu jirto, marka horumarka dhaqaalaha laga hadlayna waxa mihiim ah in qodobkan si aad ah loo eeggo oo la isku dheelitiro lacagta suuqa galaysa iyo baahida. Haddii lacag bilaa dheelitir ah lagu sii daayo suuqa waxay keensanaysaa inuu abuurmo sicir barar, sida oo kale haddii la dhimo lacagta suuqa looga baahan yahay na waxay keensanaysaa in dhaqdhaqaaqa dhaqaale iyo maaligalintu ba uu galo Hakad, si hadda ba labada dhinac ba looga fogaado waa in la isku dheelitiro.
3. Maareynta Deynta (Debt Management) tiirarka ahmiyadda u leh kobaca dhaqaalaha waxa ka mid ah qodobkan saddexaad, si loo sameeyo horumar lagaga baxo dhaqaalo darrada waa in la habeeyo wakhtiga deymaha loo baahan yahay, joogtayntooda, ahmiyadaha ay hawluhu kala leeyihiin iyo sida loo diyaarinaya ba.
4. Xasilooni ku haynta qiimaha (Price Stability) ilaalinta iyo dhawrista qiimaha gudaha iyo isu beddelka lacaguhu waa u mihiim kobaca dhaqaalaha, sidaas oo ay tahay haddii aan laga taxadirin khal-khal ku yimaadda dhinacyadaasi waxay saamaynaysaa horu-socodka looga baahan yahay dhaqaalaha la kobcinayo.
Marka aynnu soo gunaanadno waxa aynnu dul istaagnay dhawr qodob oo aynnu aragnay inaanay suurogal ahayn kobac dhaqaale la’aantood. Sidaa darteed iyada oo ay jiraan habab kale , balse talaabooyinkan aynnu soo taabanay haddii la sii faaqido oo lagu sii gunda-dago oo ahmiyad gaar ah la siiyo wax badan ayay ka qaadan karaan dalkeena, innaga oo og in baankeena dhexe qaban ka wax baxsan daabacaadda lacagta aan loo miidaan dayin, sida oo kale innaga oo maanka ku hayna inaan hab-maamulkeena dhaqaale iyo kaabayasheena kale ee qaranku leeyahay ba aanay wali taabo qaad noqon, sidaasi oo ay tahay waxa innagu waajib ah inaan u fikirno si togan oo cilmiyaysan oo leh siyaasad cad oo aynnu tubta horumarka ku tiigsano.

Qalinkii: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi
Email: Liibaanhanad79@gmail.com

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada