Tiradda Deegaamada Buuhoodle ee Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha Laga Bilaabay
Dawan News
Smiley face
August 24th, 2016
Tiradda Deegaamada Buuhoodle ee Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha Laga Bilaabay

Buuhoodle (Dawan)- Guddoomiye ku xigeenka gobolka Buuhoodle,  Jaamac Dheeg Cartan, ayaa ka warbixiyey sida ay diiwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka Somaliland uga socdaan gobolka Buuhoodle iyo degmooyinkiisa, oo shalay subax si rasmi ah uga bilaabantay.

 

Jaamac Dheeg Cartan oo khadka telefoonka ugu waramay wargayska DAWAN isaga oo ku sugan degmada Widhwidh ee gobolka Buuhoodle, ayaa sheegay in hawsha diwaan-gelinta codbixiyayaashu ay si rasmi ah uga bilaabantay deegaanada gobolka isla markaana ay hawshu u socoto sidii loogu tallo galay.

 

”Hawsha diiwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashadda Somaliland ayaa maanta (Shalay) si rasmi ah uga bilaabantay deegaanka gobolka Buuhoodle, inkasta oo ay masaafada gobolka Togdheer ee aanu ka soo qaadnay sanaaduuqda safarkeeda uu nagu dheeraa, taa awgeed aanaan wada gaadhin goobaha diwaan gelinta loogu tallo-galay, waxaana ay si buuxda uga bilaabatay deegaanka Carrowayn, Geed Xamarka, Farjano, Shululux, Balihadhac iyo degmada Widhwidh oo habaynta goobaha awgeed uga baaqatay, ahaydna xarunta sanaaduuqda lagu qeybinayey, dhamaana deegaanka ay ka bilaabatay waxa looga soo dhaweeyey si aad ah oo looga diyaarsanaa si nabadgelyo ahna way uga socotaa,”ayuu yidhi Badhasaab Ku-xigeenku.

 

waxa kale oo uu intaasi ku daray “Diwaan-gelintu waxay berri (Maanta), ka bilaabmi doontaa deegaanada Horu-fadhi, Banyaal, Dhalaamaca Cune, degmada Widhwidh, Geed Dheer, Balicad iyo Dhoobo-guduud, oo dhammaantood aanu diyaarinay goobihii la dhigi lahaa, bulshada deggan deegaankuna ay yihiin kuwo ay ka muuqato bisayl, oo aad ka dareemayso inay wakhtiyadii hore ee ay diiwaan gelinta iyo kaadh qaadashada ay ka biyo diideen siyaasad ahaan ay u muuqatay wax badan oo kaga baaqday xukuumada Somaliland dhinacyada waxqabadka iyo mansabka dawladeedba insha allahna waxaanu qabnaa ka maamul ahaan inay boqolkiiba boqol noogu dhamaanayso si habsami ah iyo nabadgelyo sida ilaahay looga bartay.”

 

Guddoomiye ku xigeenka goboka Buuhoodle waxa kale oo uu sheegay in wakhtigii hore ee la sameeyey shaxda goobaha diwaangelinta ee komiishanku sameeyay aanay ku jirin deegaanka gobolka Buuhoodle intiisa badan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin deegaa,ada Dhilaalo, Maygaagle, Sooljoogto, Xaadhadhan, Shangale, Balidocol, Sarmaantuke ,Dandan, Qararo, Xamar Lagu Xidh, Xaare, Higlo iyo Buhoodle.

Jaamac Dheeg Cartan waxa kale oo uu sheegay n xilliga qorshaha la sameeyey uu ahaa mid ay ka danbaysay isbedel balaadhan oo ay xukuumada madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo culays ku saartay sidii ay uga bi’in lahayd tabashooyinka ay dadka deegaankaasi xukuumada Somaliland kaga maqan yihiin, iyadoo xukuumadu ugu horreyn albaabka u furtay wada hadal ay la gelayso kooxda Khaatumo ee Cali Khaliif hogaamiyo is aragii koobaadna uu ka dhacay magaalado Caynabo, arintaas oo ahayd muftaaxa ugu weyn.

Xukuumaddu waxa kale oo ay ilaa heer madaxweyne ilaa heer gudoomiyeyaasha xisbiyada iyo wasiirada xukuumadu ay shir balaadhan oo madax iyo minjo bulshadaa madashiisu isugu yimaadeen ka qabsoontay degmada Adhicadeeye, waxaana arrimahaas oo dhami noqdeen kuwo daweeya bulshada deegaamadan wacyigelina u noqda ka qayb qaadashada diiwaan gelinta iyo kaadh qaadashada.

 

Ugu danbayn guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay madaxda kale ee gobolka ilaa heer wasiir, ilaa heer gole deegaan ay leeyihiin wada shaqayn iyo xidhiidh ay hareeraha kaga taagan yihiin wax kasta oo ay shacabka gobolkani ku gaadhi lahaayeen gobolada kale ee Somaliland, iyagoo laf ahaantoodu ogsoon inay wax badan siyaasad ahaan darteed kaga habsaameen maantana diyaar u yihiin sidii ay uga soo kaban lahaayeen.

Dawannews Hargeysa office

433 total views, 1 views today

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada