Donald Trump ma is hortaagi doonaa Siyaasadii Afgaradka ee Afrika iyo Maraykanka? Faallo By Witney Schneidman – Soo koobay Xuseen Kurdi
Dawan News
Smiley face
November 12th, 2016
Donald Trump ma is hortaagi doonaa Siyaasadii Afgaradka ee Afrika iyo Maraykanka? Faallo By Witney Schneidman    –    Soo koobay Xuseen Kurdi

Marka laga hadlayo Qaaradda Afrika, saamaynta doorashada Donald Trump ee Madaxweynanimada Maraykanku waa xoojinta aragtida labada aqal baarlamaan ee Dalka Maraykanka oo ahaa Rukunka siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan qaaradda Afrika mudadii 24-ka sanadood ahayd ee u dambaysay

Siyaasadan loo dhammaa oo ay hore u soo taageereen madaxweynayaashii kala dambeeyey ee Clinton. Bush iyo Obama ayaa ahayd in Afrika ay haysata fursado ayna mudan tahay in Maraykanku maalgashadaan. Waana siyaasadda loo yaqaano “Digtoonaan iyo Maalgashi”.

Faaladan oo uu Qoraageedu ku baahiyey shabakada wararka ee Allafrica.com waxa lagu yidhi Mudaddii labaatanka sanadood ahayd ee u dambaysay Koongareeska Maraykanku may ansixin oo keliya hawlaha ku saabsan kobcinta iyo koritaanka dhaqaalaha Afrika laakiin waxay sidoo kale xukkumadihii kala dambeeyey culays ku saarayeen barnaamijyada xaaladaha degdega ah sida wax ka qabashada Cudurka AIDS, abuuritaankii hay’adda ka hortagga caqabadaha iman kara sanadaha  labo kumaadka iyo qorshayaashii u dambeeyey ee ahaa balaadhinta tamarta Qaaradda Afrika iyo helitaanka cunto ku filan.

Hadaba su’aasha la is weydiinayaa waxa ay tahay maamulka Trump ma noqon doonaa mid ka horyimaadda ama joojiya dadaaladaa la waday ee ay horkacayeen golayaasha sharci dejineed ee wadankiisu? Runtii sida la wada rajaynayo maya kama hor iman doono, laakiin ma jirto wax cadaymo ah oo muujinaya in Donald trump uu wax wadaqabsiga Afrika ka dhigan doono arimihiisa ugu horeeya sidii ay iyaguba ahaayeen sadexdii madaxweyne ee isaga ka horeeyey. Dhab ahaantiise si kastaba ha ku timaadee waxaa la filayaa in maamulka Trump uu noqon doono mid aan aad isugu hawlin arimaha Qaaradda Afrika.

Qaanuunkii loo yaqaanay kobcinta iyo Fursadaha Afrika oo ay Dawlada maraykanku soo waday ayaa laga yaabaa in uu noqdo ka ugu horeeya ee fulintiisa ay hor istaagaan maamulka Trump, inkastoo faa’iidooyinka labada dhinac ugu jiray aanay ahayn kuwo loo sinnaa, iyadoo golayaasha sharci dejintu ee Maraykanku  u dhaqmayeen kuwa u adeegaya hagaajinta xidhiidhka Maraykanka iyo Afrika, kuwaas oo hogaaminayey qorshayaasha ku salaysan in ganacsiga iyo maalgashiga maraykanku noqdaan kuwo safka hore kaga jira qaaradda Afrika.

Qaanuunka Maraykanka ee  loo yaqaano kobcinta iyo Fursadaha Afrika, African Growth and Opportunity Act (AGOA) ayaa ku dhiirrigeliyey haweenka Afrika inay ganacsiga ka qayb qaataan sidoo kalena waxa deegaano baayacmushtar oo waaweyn laga abuuray meelo badan oo qaaradda ka mid ah, iyadoo Dawladii Obama intii ay joogtay oo dhan ay ku taagnayd  horumarinta kaabayaasha cusub ee ganacsiga iyo wax wadaqabsiga Afrika iyadoo aasaas looga dhigayey wax is dhaafsasho isu dheellitiran.

Si kastaba ha ahaateeTobankii sanadood ee u dambaysay Wadamada reer Yurub ayaa si Qallafsan u hirgeliyey heshiisyo dhanka wax wada qabsiga dhaqaalaha ah oo ay la galeen meelo badan oo Afrika ka tirsan, si ay dammaanadqaad ugu helaan badeecadaha iyo adeegyadooda, xilli ay badeecadaha Maraykanka ee ku soo badanaya Afrika ay khasaaro la taaban karo ku yihiin hanaanka tacriifadaha cashuuraha ee wadamada Afrika.

Xiligii uu dunida ka socday dagaalkii Qaboobaa, maraykanka waxa u suurogashay inay horumarin ku sameeyaan xidhiidhkoodii Afrika iyadoo xiligana dhamaan taageerada dawlada maraykanku ku dhisan tahay deeq halkii ay markii hore kaahaan jirtay Deyn, iyadoo xukuumadaha Afrikaanku cod isa soo taraya ku weydiisanayaan Maraykanka inay caddeeyaan meelaha ay doonayaan inay ka maalgashadaan qaaradda, inkastoo tusaale lagu dayan karo ay inoo tahay barnaamijka uu maraykanku ku taageero dhalinyarada Afrika, kaas oo sanad walba ay in ka badan 2000 oo dhalinyaro Afrikaan ahi tegayeen wadanka Marayka si loo siiyo tababaro xirfadeed iyo aqoon korodhsi ku saabsan hogaaminta, sanad walbana kulamo la yeelanayey madaxweyne Obama, xilli ay kulankaa qaab online ah kaga qaybgelayeen 300.000 oo dhalinyaro Afrikaan ah oo xirfadlayaal ah, waana barnaamijyada tusaalaha loogu soo qaadan karo taageerada uu maraykanku Afrika siinayey. Waana arin adag in la yidhaahdo maamulka trump waxay iska indho tiri doonaan barnaamijkaas, inkastoo faa’iidada ugu badan ay maraykanku ka helayaan hadana in badan oo Afrikaan ah ayay la yaab ku noqon doontaa hadii Trump iyo Xukuumadiisu mamnuucaan in Muslimiintu soo galaan dalka Maraykanka amaba hadii soo gelooti Afrikaan ah laga soo saaro wadanka Maraykanka iyagoo ka dhursugaya  hadii uu maraykanku calaamad u sii ahaan doono rajada, saaxiibtinimada iyo fursadaha.

697 total views, 1 views today

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada