Baarlamaanka Ingiriiska oo Taageeray Qorshaha Theresa May
Dawan News
Smiley face
April 20th, 2017
Baarlamaanka Ingiriiska  oo Taageeray  Qorshaha Theresa May

Mudaneyaasha baarlamaanka ayaa ugu  codeeyay 522 cod  taageerida dhawaaqii ra’iisul wasaaraha ee doorashada iyada oo ay heleen taas oo ah tiradii loo baahnaa ee  aqlabiyad  laba dallool ka badan heleen.

. Ra’ayi uruurinta hordhac ah ayaa horseeday  in la helo saddex meelood laba aqlabiyada guud ee loo baahanyahay in la qabto doorashada.

Hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha Jeremy Corbynn ayaa soo dhaweeyay ku dhawaaqista ra’iisalwasaaraha ee doorashada deg dega ah maalintii salaasada aheyd.

Ms Theresa May ayaa sheegtay in ay dooneyso xaqiijinta in ay taageeraan dadku wadahadalada Britain ay uga baxeyso Midowga Yurub.

Doorashada guud ee xigta ayaa la filayay in ay dhacdo sannadka 2020ka, balse mudada cayiman ee xeerka baarlamaanka ayaa ogalaanaya in doorasha waqtigeedii laga soo hormariyay la qaban karo, hadii saddex meelood laba meel baarlamaanka ay taageeraan talaabadaasi.

UK

Mooshin arrintan ku saabsan ayaa lagu wadaa in la horgeeyo aqalka baarlamaanka gelinkii dambe ee Arbacada.

Xisbiga SNP ayaa waxaa ay muujiyeen in ay ka aamusi donaan codeynta, hasa yeshee xisbiyada shaqaalaha iyo midka qunyar socodka ayaa soo dhaweeyay doorashada waqtigeeda laga soo horumariyay.

 

84 total views, 1 views today

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada