Burundi oo ka soo Daadgureyneysa 800 oo Haween ah Sacuudiga
Dawan News
Smiley face
April 20th, 2017
Burundi oo ka soo Daadgureyneysa 800 oo Haween ah  Sacuudiga

Dawladda Burundi ayaa soo daadguraynaysa 800 oo haween ah  oo tahriib lagu geeyay Bariga Dhexe sanadkii hore, kuwaas oo qabta shaqooyin la mid ah adoonsi, sida ay sheegtay hay’ad dalkaas ka hawlgasha oo xuquuqda aadanaha u dooda.

Ilaa iyo hadda soddon ka mid ah dumarkaas ayaa la soo daad gureeyay, waxaana ka mid ah haweenay Sacuudiga loogu soo gaystay tacadiyo ay qaarkood galmo la xidhiidhaan oo haddana lagu riixo kuraasta dadka naafada ah, sida ay sheegtay NOATC.

In ka badan 820 haween iyo dumar ah ayaa la tahriibiyay sanadkii hore, badankoodana waxaa la geeyay Sacuudi Carabiya iyo Cumaan, ayay intaas ku dartay warbixinta.

Waxaa loo ballanqaaday shaqooyin wanaagsan, waxayse taasi ku soo dhamaatay shaqooyinka guryaha laga qabto oo xaalad aad u adag ah, taas oo dumarka qaar ay barbar dhigeen adoonsi sida ay hay’addu sheegtay.

 

17 total views, 1 views today

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada