Ciidamo Mareykan ah oo u Kicitimay Jiho aan aheyn Tii Hore loo Sheegay
Dawan News
Smiley face
April 20th, 2017
Ciidamo Mareykan ah oo u Kicitimay Jiho aan aheyn  Tii  Hore loo Sheegay

Markabka xambaara diyaaradaha dagaalka iyo midka  qaada ciidamada ee Mareykanka ayaa la sheegay in ayna tegin dhinaca Kuuriyada Woqooyi.

Waxaa soo baxayo warar sheegaya in maraakiibtaasi dagaal ay aadeen dhinac kale oo ka duwan meeshii uu sheegay Donald Trump.

Ciidamada badda ee Mareykanka waxay siddeedii bishan sheegeen in ay u jiheysteen dhanka gacanka Kuuriya, si Kuuriyada Woqooyi ay cadaadis u saaraan.

Isbuucii tagay, madaxweyne Trump wuxuu sheegay in ciidamadooda loo yaqaano ‘armada’ uu u diray Kuuriyada Woqooyi.

Laakiin Waxaa lagu warramayaa in maraakiibta dagaalka ee Mareykanka ay aadeen dhanka Sunda ee badweynta Hindiya.

Mareykanka hadda wuxuu sheegayaa in marka hore ay tababar la soo sameyn doonaan ciidamada Australiya.

Militariga hadda waxay u sii socdaan dhanka Galbeedka badda Pasifiga, sida lagu amray. Waxa sidaasi sheegay sarkaalka hogaaminayo.

Ma cadda in ay ulakac tahay ama khiyaano tahay in Mareykanka uu ka soo noqdo jihada North Korea.

Waxay noqon kartaa in ujeedada ay ahayd in la cabsi geliyo hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-un.

Sidoo kale waxaa lagu tilmaami karaa isfahan la’aan dhexmartay ciidamada Mareykanka iyo Madaxweynahooda, sida uu sheegay weriyaha BBC ee Korea, Stephen Evans.

66 total views, 1 views today

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada