Dad Caddaan ah oo lagu Dilay Maraykanka
Dawan News
Smiley face
April 20th, 2017
Dad Caddaan ah oo lagu Dilay Maraykanka

Saddex nin oo caddaan ah ayaa la dilay mid kalana dhaawac ayaa soo gaadhay ka dib markii uu nin madaw ahi rasaas ku furay iyaga oo ku sugan magaalada Fresno ee gobolka Kaliforniya ee dalka Maraykanka, waxaana looga shakisan yahay in uu ahaa weerar midab takoor ku salaysan sida ay booliisku sheegeen.

Kori Ali Muhammad ayaa 90 ilbidhiqsi gudahood ku riday 16 xabbadood, weerarkaasina wuxuu dhacay salaasadii sida uu sheegay Jerry Dyer oo ah sarkaal booliis ah.

Booliska ayaa soo bandhigay labada  muuqaal  ee kor ku yaal oo uu leeyahay ninkaasi rasaasta furey.

Sida la sheegayo Illaahay baa wayn oo af Carabi ah ayuu ku qayliyay markii la xidhay laakiin Dayer wuxuu rumaysan yahay in uusan ahayn weerar argagixiso ee uu ahaa mid midab midab sooc ku salaysan.

Kori oo 39 jir ah ayaa sidoo kale rabay in uu dilo waardiye hotel todobaadkii hore.

Booliisku waxay sheegeen in ninkani uu Facebook ku bidhaamiyay in uu necebyahay dadka cad uuna soo bandhigay aragti ka dhan ah dawladda.

Dhamaan dadka ay rasaastu ku dhacday waa caddaan, mid ka mid ahna waxay xabbaddu ku dhacday isaga oo fadhiya gaadhigiisa.

“Waxaa u qorshaysnayd in uu dilo inta uu awoodo” ayuu yidhi Dyer.

58 total views, 1 views today

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada