Mid Kamida Wadamada Latin Amerika Oo Laga Helay Beedadkii Ugu Badnaa Ee Xayawaanka Dinasoor-ta
Dawan News
Smiley face
April 20th, 2017
Mid Kamida Wadamada Latin Amerika Oo Laga Helay Beedadkii Ugu Badnaa Ee Xayawaanka Dinasoor-ta

Kooxo baadheyaal ah , kuna xeel dheer cilmiga baadhitaanada taariikhihii hore ayaa dalkaasi Argentin ka helay beedadka xayawaanka loo yaqaaney Dinosaur-ta , kuwaas oo halkaasi ku aasnaa sannado lagu qiyaasay  ilaa 70 million oo sanno .

Mid kamid ah khubaradan ayaa ah mid sannado ka hor degaanka Oka Mahavevo oo ku yaala Koonfurta Patagonia gobolka lagu magcaabo ka helay  mid kamid ah beedadkaasi Dinosaur –ta .

Wargeyska Daily Mail oo uu wargeyska Dawan warbixintan kazoo xigtay ayaa agaasimaha Dhaqanka  ee wadankaasi Argentin  Claudia Della Negra ku daabacay warbixintan, isaga oo sheegay in toddobaadkani ahaa mid ay heleen beedadkii ugu badnaa ee xayawaankaasi Dinosaur-tu lee yahay .

Maaha baadhitaankani kii ugu horeeyey ee waxa sidan oo kale beedad tiro badan gobolkaasi looga helay sannadkii 1997 kii .

Goobtan ayaa ah meel biyo mareen ah , sidoo kalena caan ku ah dabka loo yaqaano Folkaanaha, iyada oo meesha laga helay beedadkaasi ay ahayd meel ay biyuhu ciid aad u badan dhigeen , kuwaas oo qariyey beedadkaasi.

Dawlada dalkaasi Argentin ayaa sheegtay inay goobtan ka dhigi doonto goob ay yimaadaan dalxiiseyaashu, iyada oo la xidhi doono loona samayn doono cid ilaalisa.

Sannadkii 2014 kii ayaa khubaro reer Argentina  ahi ay gobolkaasi Patagonia ka heleen  lafo waaweyn oo ay ku sheegeen inay ahayd Dinosaur- tii ugu weynayd ee  la helo caalamka, taas oo la dhigay goob masxaf ah.

Beedadkan ayaa  ah 77 tan , wxaanay ku jireen dhul dhan ilaa 20 meter, sidoo kalena waxa goobta laga helay lafo dherer ahaan gaadhaaya ilaa 40 meter oo aan weli la baadhin.

 

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada