Hal Malyuun oo Baabuur oo La Burburinayo!
Dawan News
Smiley face
May 8th, 2017
Hal Malyuun oo Baabuur oo La Burburinayo!

Gaadiidka kala duwan ayaa ku haya deegaanka dhibaatooyin badan. Xafiiska ilaalinta deegaanka ee caasimadda Bekiin dalka Shiinaha ayaa sheegay inay burburiyeen 180 Gaadhi oo gaboobay oo deegaanka dhibaato ku keenayay sanadkan afartii bilood ee u horeeyay. Waxaana ay cadeeyeen inay arintani tahay mid wax lagaga qabanayo ceeryaamada iyo cidhiidhiga hawada Bekiin dabooshay.

Xafiiska ayaa intaasi ku daray inay qorsheeyeen inay baabiyaan hal malyuun oo baabuur oo hawada ku haya cidhiidhi.  Waxaan ay sheegeen in magaalada Bekiin ay joogaan 5.7 milyan baabuur oo ka masuul ah kala badh qiiqa ceeryaanta ay sababtay hawada  Nitrogen dioxide ee magaalada ku gedaaman.  Wasiirka deegaanka Chen Ji Nig ayaa isna sheegay in qiiqa gaadiidku uu 31% masuul ka yahay ceeryaamada Bekiin qarisay.

171 total views, 1 views today

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada