Kuuriyada Koonfureed oo Dooratay Madaxweyne Cusub
Dawan News
Smiley face
May 10th, 2017
Kuuriyada Koonfureed oo  Dooratay Madaxweyne Cusub

Codbixiyayaasha Kuuriyada Koonfureed ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyay Moon Jae-in inuu noqdo madaxweynaha xiga ee dalkaasi, sida ay sheegayaan qiyaasihii u dambeeyay.

Jae-in oo ah qareen u dooda arrimaha xuquuqda insaanka ayaa waxa uu doonayaa in uu kordhiyo xidhiidhka ka dhexeeya Kuuriyada Waqooyi, si ka duwan siyaasadda xukuumadda hadda ka talisa dalkaasi taasoo gebi ahaanba xidhiidhka u jartay xukuumadda Pyongyang.

Wuxuu sidoo kale su’aal geliyay gantaalada difaaca ee uu Mareykanku ku rakibay dalkiisa.

Waxaa la sheegay inuu helay 41.1% codadkii la dhiibtay. Musharraxa ku soo xigay Hong Joon-Pyo ayaa helay 23.3%.

Doorashadan ayaa si gaar ah isha loogu hayay, maadaama xilligan ay taagan tahay xiisadda Kuuriyada Waqooyi.

 

Bishii Maarso ayaa madaxweynihii hore ee dalkaasi Ms Park waxaa xukunka looga riday ka dib markii uu baarlamaanka dalkaasi kalsoonida kala laabtay, waxaana dhawaan lagu soo oogi doonaa dacwado ku aaddan laaluush qaadasho iyo ku takri fal awoodeed, eedeymahaasi oo ay beenisay.

Doorashadii Kuuriyada Koonfureed ka dhacday 2012 ayaa waxaa si dirqi ah Moon uga guulaysatay Park.

 

 

 

 

 

 

 

52 total views, 1 views today

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada