Libaaxyo ka Baxsaday Beer Xayawaan oo Digniino laga Bixiyay
Dawan News
Smiley face
May 10th, 2017
Libaaxyo ka Baxsaday Beer Xayawaan  oo  Digniino laga Bixiyay

B ooliiska iyo ilaalada beeraha xayawaanka ee dalka Koonfur Afrika ayaa baadigoobaya shan libaax oo ka baxsatay beerta xayawaanka ee Kruger National Park.

Arrintan ayaa dhalisay cabsi laga qabo macquulnimada weerarro ay u gaystaan dadka iyo xoolaha.

Ma cadda sida ay libaaxyadaasi u baxsadeen.

Booliisku waxay dadka ugu baaqeen in ay feejignaadaan gaar ahaan dadka ka agdhaw xuduudda dalka ay deriska yihiin ee Mozambique.

Website-ka eNCA ayaa Leonard Hlathi oo afhayeen booliiska u hadlay ah ka soo xigtay in uu yidhi “Bulshadu ha iska ilaaliso libaaxyada, libaaxyadii wali lama qabanin taasina khatar ayay u keenaysaa dadka maadaama ay dadku jidkaas u adeegsadaan si joogto ah. Xataa dadka gawaadhida saaran ee isku daya in ay xaajo gutaan halis badan ayaa soo wajihi karta “.

70 total views, 1 views today

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada