Guddiga Anshaxa ee Komishanka oo Digniintii Saddexaad u Diray WADDANI iyo KULMIYE
Dawan News
Smiley face
August 10th, 2017
Guddiga Anshaxa ee Komishanka oo Digniintii  Saddexaad u Diray WADDANI iyo KULMIYE

Hargeysa (Dawan)- Guddiga Anshaxa marinta  ee Komishanka Doorashooyinka  Jamhuuriyadda Somaliland,  ayaa markii Saddexaad u diray digniin  xisbiyada  WADDANI  iyo KULMIYE  oo ay ku eedeeyeen in ay weli wadaan olalihii ay uga digeen in ay ka sameeyan goobaha ay ka socota kaadh bixinta codbixiyeyaashu.

Guddida Anshaxa oo shalay xafiiskooda warbaahinta kula hadlayey, ayaa sheegay in ay aanay u dulqaadan karin kaambaynka ay wadaan xisbiyadda Waddani Iyo Kulmiye islamarkaana ay talaabo degdega ka qaadi doonaan haddii aanay  joojin isu soo baxaa iyo ficiladda ay warbaahinta isku marinayaan  Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ay  soo saareen komishanka Doorashooyinka Qaranku, kaas oo isagoo dhammaystiranna u qornaa:

“Tixraac qoddobka 7aad farqadiisa 13 iyo 14 ee Xeerka Hab-dhaqanka Xisbiyada  Siyaasadda  ee kaadh-qeybinta lana saxeexay April 2017 ,

tixraac tallo soo-jeedin guddida anshaxa 13 July 2017 ,tixraac go’aanka Anshax Marinta ee Guddida Doorashooyinka Qaranka oo dhan ka ahaa xisbiyada Wadani iyo Kulmiye sumadiidsuna aheyd KDG/ XK / 089/ 2017 kuna taariikheynaa  17 july 2017

sidoo kale  tixraac warsaxaafadeed kayagii hore ee sumadiisuna ahayd TIX:KDQ / GA/ 001/ 2017

Annagoo ogsoon in Xisbiyadda UCID, Kulmiye & Wadani ay wali sii wadaan olole sharciga baalmarsan oo ay ka wadaan degaan kala gedisan oo ka mid ah Somaliland. Waxaanu Komishanka Doorashooyinka u soo jeeedina yenaa in & Ciidii ay khusayso

In la fuliyo qodobadda ku xusan go’aankii hore ee Anshax marineed

In la xakeemeyo gawaadhida ay wataan xisbiyadu si waafaqsan go’aankii anshax marineed ee ka soo baxay KDQ ee ahaa in aanay ka badan 5 gaadhi

In laga hor istaago ololaha sharicga baalmarsan ee ay wadaan iyadoo lala kaashanyo ciidamda amniga

In Hogaanka xisbiyaddu ku waantoobaan kaameynka tooska isla markaana ay ku eekaadaan  gudbinta  fariinta  kaadh-qaadashad a iyagoo ixtiraamiya xeerka ay saxeexeen .

 

XUBANAHA GUDDIDGA ANSHAXA EE K.D.Q.

 

  1. 1. Sucaad Ibrahim Cabdi Guddoomiye      

 

 
  1. 2. Cabdiqaadir Cismaan Xasan Xoghaye

 

  1. Aadan Xuseen Muxumed Xubin

 

45 total views, 1 views today

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada