Madaxweynaha Somaliland oo Magacaabay Agaasimeyaal Cusub
Dawan News
Smiley face
August 10th, 2017
Madaxweynaha Somaliland oo Magacaabay Agaasimeyaal Cusub

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa  magacaabay laba agaasime guud oo cusub, mid kalena u beddelay wasaarad kale.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray shalay afhayeenka madaxtooyada, Eng. Xuseen Aadan Cigge (Dayr), waxaannu u qornaa sidan;- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XERM/249-4962/082017 uu shalay ku magacaabay saddex agaasime guud.

Madaxweynuhu: Markuu Arkay:  Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasaaradda Beeraha iyo Hay’adda Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka  Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo; Markuu Ku Qancay:  In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

 

 

Wuxuu go’aansaday

 

1.In Marwo, Sahra Maxamed Xuseen (Sahra Basbaaso), laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2.In Mudane, Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-case), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)

3.In Mudane, Axmed Xaashi Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.”

Dawannews Hargeysa office

50 total views, 1 views today

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada