Huteel Shaqaliihusu Daayeero Yihiin!
Dawan News
Smiley face
September 20th, 2017
Huteel Shaqaliihusu Daayeero Yihiin!

Nin u dhashay dalka Japan ayaa huteelkiisa ka shaqaaleeyay Daayeerada nooca loo yaqaano Kanadol.  Dadkii macmiisha huteelka Utsunomiya ee dalka Japan ayaa mar keliya ku war helay inay adeegyaasha huteelka yihiin Daayeero tababaran oo aad u badan.

Macmiisha ayaa aad uga helay soo dhowaynta dhakhsaha iyo xarakaadka ay samaynayaan. Waxaana ay noqdeen kuwo soo jiitay macamiisha. Mulkiilaha Huteelka ayaa sheegay inuu si fiican ugu tababaray hawsha raalgeilinta macmiilka, taasi oo ay aad ugu wanaagsan yihiin.

Waxaana u sheegay inay u shaqaynayaan sidii qalab oo kale kuwaasi oo hadba waxa loo diro iyo goobta loo diro dhakhso uga hawlgaleya. Dayeerada ayaa xidhan dirays u gaar ah oo midab lagu garanayo inuu yahay adeegaha ah.  Waxa kale oo jira shaqaale caawinaya daayeerka oo tilmaamo siinaya. (RT.Arabic)

77 total views, 1 views today

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada