Aqoon Kasta Dadaal Ayaa Keena
Dawan News
Smiley face
October 9th, 2017
Aqoon Kasta Dadaal Ayaa Keena

Markii uu  baranayay Sh. Kasaa’I cilmiga luqadda Carabida ee loo yaqaan Sarfiga aad ayuu ugu adkaaday, waxaana uu go’aan ku gaadhay inuu uga wareego cilmiyada kale oo uu iska dhaafo Sarfiga.

Haddaba isagoo maalin socod ku jira ayuu arkay qudhaanjo shay culus sidata oo la koraysa gidaar dheer, oo kolba soo dhacaysa marka ay meel dhexe gaadho, haddana dib u qaadaysa oo la koraysa. Sidii ay u daala dhacaysay markii danbe ay ku guulaystay in midhihii ay sidatay la fuusho gidaarkii dheera.

Imaam Kasaa’i wuu eegayay intii ay qudhaanjadu dadaalka ku jirtay. Halkaasi ayuu ka qaatay casharka ah in aanay jirin wax adagi laakiin uu jiro dadaal yari.

Maalinkii wixii ka danbeeyay dadaalkii cilmigaasi ayuu galay ilaa maanta uu ka mid yahay culimada cilmigan loogu noqdo, waxaana uu leeyahay dariiqooyin cilmigan ah oo uu isugu alifay una gaar ah mad-hab cilmigan ah oo u gaar ah. Haddaba dadaalka iyo go’aanka adag oo Allah lala kaashado ayaa ah muftaaxa guusha , itaalkaagu haba noqdo mid qudhaanjo la mide.

 

125 total views, 9 views today

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada