Saamaynta Ay Is Badalka Cimaladu Ku Yeelatay Guud Ahaan Roobabkii Ka Di’i Jiray Somaliland
Dawan News
Smiley face
October 22nd, 2017
Saamaynta Ay Is Badalka Cimaladu Ku Yeelatay Guud Ahaan Roobabkii Ka Di’i Jiray Somaliland

365-Ka Maal-Mood Ee Sannadku Ka Kooban Yahay Hargeysi Waxay Roob Heli Jirtay 90 Maal-Mood, Imikana Way Nasiib Badan Tahay Haddii Ay Sannadka Oo Dhan 30 Maalmood Kaliya Roob Hesho.
W/Q: Jamaal Macalin

Sannadadii u dambeeyay waxa isasoo taraayay roob la’aanta soo foodsaartay degaanada Somaliland, kuwaas oo ay ka dhasheen ama sabab u noqday abaaraha dabada dheeraaday, kuwaas oo saamayn nololeed, mid caafimad iyo midhaqaaleba ku yeeshay dadka, xoolaha, dhurta iyo guud ahaan deegaankaba.

Is Badalka Cimilada Iyo Saamaynta Xun Ee Ay Ku Yeelatay Dunida Aynu Ku Noolnahay

Dadaalada harumarineed ee bini’aadanku ka sameeyaan dhulka dushiisu waxay sababeen inuu isbadal badani ku yimaado cimiladii adduunka ee dabiiciga ahayd. Arrintaasi waxay sabab u noqotay in ay gubtaan macdanaha dhulka ku kaydsan ee saliidaha iyo dhuxul-dhagaxdu ka mid tahay. Isbadalka cimilada arrimaha ka dhashay waxa ka mida oogada sare ee dhulka oo sii kulunaanaysa, kulaylkaasi waxa uu sababay inuu dhaco uumi bax biyood oo aad u badan. Uumibaxaas waxa ka dhalatay in wadamo badan oo aynu ka mid nahay ay kam dhacaan abaaro baaxad leh.

Cimilada aduunka ee sii kululaanaysaa waxay sabab u noqotay in wadamada qaar ay ka da’aan roobab badan oo ay ka dhashaan fatahaado ama duufaano dadka iyo deegaankaba u gaysta waxyeelo xoogan. Qiiqa ay soo daayaan warshadaha kala dunidu waxa uu sababaa in ay kululaadaan badaha waawayn ee adduunku, taas oo keenta in ay dhalaalaan meelaha barafleyda ah, oo uu kor u kac badani ku yimaado qiyaasta biyaha baduhu. Si kastaba ha ahaatee isabadalka cimiladu waxa uu saamayn toos ah mid dadbanban oo aan wanaagsanayn ku yeeshay degaanka dhulka aynu ku noolnahay.

Hadaba hadii aynu u sii laabano dulucda qoraalkan Somaliland in la uruuriyo xogta ku saabsan saadasha hawada iyo roobabku waxay ka soo bilaabmatay xiliguu uu wadanka ka talinaayay gudmaystihii Ingiriisku. Magaalada Hargeysa waxa ku yaalay xarun wayn, taas oo dawladii gumaysigu ka sahamin jirtay arrimaha cimilada ee Somaliland. Xafiiska saadaasha hawadu waxa uu ka tirsan yahay, wasaaradda beeraha Somaliland. Xaruntiisa ugu waynina waxay ku taalaa magaalada Hargeysa. Xaruntaas oo xiligii iyo xiliyo ka dambeeyayba si fiican u shaqayn jirtay, isala markaana ay yaaleen qalabka loo adeegsado arrimaha saadaasha hawada, waxa uu bur-bur xoogani ka soo gaadhay dhismihii xarunta iyo qalabkii yaalayba dagaaladii qadhaadhaa ee lala galay xukumaddii milatariga ahayd. Xarunta Saadaasha waxa dib u yagleedeeda gacan ka gaystay xukumadihii kala duwanaa ee Somaliland, si ay xaruntaasi u fuliso adeegii qaranku uga baahnaa ee arrimaha saadaasha hawada.

Sannadkii 2003-2004-tii waxaana la sameeyay xarumihii ugu horeeyay ee saadaasha hawada Somaliland, kuwaas oo dhammaa 12 xarumood. Hadda oo lagu jiro dhammaadka sannadka 2017 guud ahaan Somaliland waxa ku yaala 35 xarumood, oo ka shaqeeya arrimaha saadaasha hawada, ayna joogaan shaqaale warbixinaha si toos ah ugu soo shuba xarunta guud ee Hargeysa. Sida waxa ii sheegay Cabdiqani Yuusuf Cabdi oo ah masuulka u sareeya xaxafiiska saadaasha Hawada Somaliland.

Sannadadii lixdamaadkii illaa sideetamaadkii Somaliland waxa ka di’i jiray roobab aad u badan, kuwaas oo xog uruurintooda ay samayn jirtay xarunta saadaashaas ee Hargeysi. Tusaale ahaan haddii aynu u soo qaadano magaaladda Hargeysa 365-ka maal-mood ee sannadku ka kooban yahay Hargeysi waxay roob heli jirtay 90 maal-mood. Xiliyadan dambe roobabkii aad bay u yaraadeen, waxaana meesha ka baxay ama dib u dhac ku yimi xiliyad ay dalka ka di’I jireen roobabku ee Alle looga bartay inuu raxmaadkiisa inoo shubo.

Magaalada Hargeysa oo ka mid ahayd meelaha dalka ugu roobka badan waxa la odhan karaa way nasiib badan tahay haddii ay sannadka oo dhan 30 ama dhawr iyo afartan cisho oo kaliya roob hesho.
Somaliland meelaha ugu roobka badan waxa ka mida ahayd silsilada buuraleyda Golis, Ceerigaabo, Shiikh, Hargeysa iyo boorama. Meelahaas roobabka ka di’i jiray waxay gaadhi jireen 700 mm ilaa 800 mm, se imika waxay hoos ugu dheceen ilaa 500 mm sanadkii. Sidoo kale meelaha xeebaha ah oo roobabku ay marka horeba aad ugu yaraayeen waxa ka di’i jiray 150mm ilaa 300mm, imika se waxa ka da’a roobab aad uga yar qiyaasahaas hore.

Waxa xusid mudan in bishii sagaalaad (September), ee la soo dhaafay waxa uu roob ka da’ay 28 degaan oo dalka ah, goobtii ugu roobka badaydna waxay ahayd magaalada Ceerigaabo oo ay ka da’een 188 mm. Isku gaynta roobabka xafiiska saadaasha hawadu bishaas diiwaan galiyay ee da’waxay noqonaysaa 1816.5 mm, oo ah qiysaata lagu cabiro biyaha roobka. Sida uu ii sheegay madaxa xafiiska saadaasha hawada Cabdiqani Yuusuf, oo soo xiganaaya warbixin xiligaas la sameeyay oo ku kaydsan xarunta Hargeysa iyo qaar ay iyagu sameeyeen intii xafiiskani jiray. Arrimahaasi waxay tusaale cad u yihiin sida ay u sii yaraanayaan roobabkii dalka ka di’i jiray. Abaaraha is daba jooga ah iyo roobabkaas yaraaday waxay saamayn aad u xun ku yeesheen tacabkii iyo wax-soo saarkii beeraha ee ay ku hawlanaayeen guud ahaan beeraleyda Somaliland.

Dhinaca kale guud ahaan magaalooyinka Somaliland waxa laga isticmaalaa dhuxusha, taas oo laga soo shirdo dhirta qoyan iyo kuwa qalalanba, oo uu ka mid yahay geedka qaaliga ah ee Galoolku. Dhirta dhuxusha laga sameeyo waa la jar-jaraa hadhowna waa la foofeeyaa, si dhuxul looga dhigo. Dhirta uu dhulka ku yaraataa waa sabaha ugu wayn ee keena roob yaraanta. Dhulkeenii maanta waxa uu gaadhay xaalad nabaad-guur ah, waxaaana loo baahan yahay in si wada jir ah loogu soo wada jeesto daryeelka dhirta iyo deegaanka..

In biyuhu dhulka galaan oo ay ka soo baxaan dhir kala duwan oo roobka dhulka u soo jiida waxa caqabad wayn oo xal u baahan ku noqon kara degsiimooyinka cusub xaalufiya dhirta, si ay ugu adeegsadaan guryo ay u hoyadaan iyo hadhadh ay ka samaystaan meheradooda ama aqaladooda hortooda. Waxa kale oo iyana caqabad aan yaraysan Karin ah wadooyinka yar-yar ee taayirada gaadiidku sameeyaan, oo biyaha ka weeciya meelihii ay dhirtu ku taalay.
Sidaana waxa aaminsan Dr. Maxamed Muuse Cawaale oo ah khabiir aqoon u leh arrimaha deegaanka, horena u ahaa gudoomiyhii hay’adda ka hortaga masiibooyinka dabiiciga ah ee NERAD, imikana ah la taliyaha gudoomiyaha hay’addaas.

Haddii Roobabkii Sidaa U Yaraadeen Maxaa Xal Ah.?
Arrintaas waxa xal u noqonaaya in la qabsado oo laga faa’iidaysto biyaha roobka, ee markasta oo roob ka da’o degaanada Somaliland iyadoo aan laga faa’iidaysan iyagoo qul-qulaaya badaha gala. Sidaa waxa xal u arka wasaaradda beeraha, oo cuskanaysa qorsha ama hiigsiga hurumarinta Somaliland ee shanta sanno ee soo socoto, oo qodobka koowaad laga dhigay in la qabto biyaha roobka, si xagga wax-soo saarka beeraha looga faa’iidaysto.

Isbadalka ku yimi cimilada adduunka guud ahaan waxa uu sababay in la waayo ama aanay dalka ka di’inba noocyo ka mida roobabkii ugu caansanaa, kuwaas oo ay ka mid yihiin roobabkii la odhan jiray Mayay-ga iyo Miiraalaha, kuwaas aad u yaraaday ama aan dalka ugu di’in sidii hore.

Dhammaad

W/Q: Jamaal Macalin

ALLAA MAHAD LEH
Email: Jamaalmacalin5@gmail.com

111 total views, 1 views today

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada