Mareykanka oo ka Baxay Heshiis Caalami ah
Dawan News
Smiley face
December 4th, 2017
Mareykanka oo ka  Baxay Heshiis Caalami ah

Dowladda Mareykanka ayaa isaga baxday heshiis caalami ah oo looga gol-lahaa caawinta dadka muhaajiriinta ah iyo qaxootiga ka soo baxsanaya dalalka ay collaaduhu ka jiraan.

Safiirka Mareykanka u qaabilsan hay’adda Qaramada Midoobay , Nikki Haley, ayaa sheegtay in dalkeeda uu ku faani karo dhaxalka ah soo dhaweynta soo galootiga.

Balse waxa ay sheegtay in go’aanka siyaasadda socdaalka Mareykanka ay marwalba tahay wax ay go’aan ka gaadhaan dadka Mareykanka ah oo keliya.

Hannaanka lagu horumarinayo heshiis caalami ah oo la xidhiidha arrimaha dadka qaxootiga ah ayaa la horgeeyay sanadkii lasoo dhaafay Golaha Guud ee hay’adda Qaramada Midoobay .

Siyaasaddaha socdaalka ee madaxweyne Trump ayaa diiradda lagu saaray amniga xuduudaha, xayiraadda socdaalka, dhismaha darbiga xadka u dhaxeeya Megsiko iyo Maraykanka iyo musaafurinta qaxootiga sharci la’aanta ah.

 

59 total views, 1 views today

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada