Aroosku Iyo Saadaasha Indhaha Digaagada
Dawan News
Smiley face
December 6th, 2017
Aroosku Iyo Saadaasha Indhaha Digaagada

Dalka Shiinaha qabiilada Mayad ayaa habeenka aqalgalka  arooska ay caado u tahay inay keenaan Digaagad iyado ay goob jog yihiin ehelada arooska iyo aroosadda ayaa hortooda lagu gawraco Digaagada ka dibna hilibkeeda ayaa la kariyaa.

Marka mudadii loogu talo galay dabka saarado waa laga soo qaada waxaana la eegaa indhaha  Digaagadda sida ay isku yihiin, haddii markaasi labada indhood ee digaagadu ay noqdaan kuwo isku eeg, waxay aaminaan in labadaasi qof isku haboon yihiin oo ay sidaasi xaas ku noqdaan. Haddii ay kala duwanaadaan waxay aaminsan yihiin in guurkaasi fashil ku dhamaanayo isla markaana waxa loo sheega lamaanaha in arooskooda la baabiyo madaama aanay faa’iido uga soo socon oo mid kastaaba uu doonto qof kale oo ay nolosha isku haboon yihiin si ay dhibaato uga fogaadaan.  Marka dadku diin ay waayaan nolosha gebigeeda iyagaa ayaa isku dhiba.

87 total views, 4 views today

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada