Trump oo looga Digey inay Qudus u Tahay Muslimiinta Khad Cas
Dawan News
Smiley face
December 6th, 2017
Trump oo looga Digey inay  Qudus u Tahay  Muslimiinta  Khad Cas

Dalal badan oo caalamka ah ayaa uga digey Trump inuu u raro safaaradiisa magaalada Qudus oo uu ku taamayo, waxaanay u soo jeediyeen inuu dib uga joogsado, haddii kala taasi xaalada uga sii dareyso. Madaxweynaha Turkiga ayaa ka digay in dalkiisu uu xidhiidhka u jari doono Israa’iil haddii Mareykanku uu u aqoonsado Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil.

Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in tallaabadaasi ay Muslimiinta dunida uga dhigan tahay in Mareykanku uu khadka cas ka tallaabay.

Dalal badan ayaa ka dalbaday Donald Trump inuusan qaadin tallaabadaasi.

Waxaa jira warar sheegaya in madaxweyne Trump uu arrintaas ku dhawaaqi doono isbuucan, isaga oo fulinaya ballanqaadkii uu sameeyay markii uu ku jiray ololaha doorashada.

“Mr Trump! waxaad ogaataa in Qudus khad cas ay uga dhigan tahay Muslimiinta,” ayuu yidhi Erdogan oo khudbad ka jeediyay telefishinka.

“Waxay arrintaa horseedi kartaa inaaan calaaqaadka diblomaasiyadeed u jarno Israa’iil”, ayuu sii raaciyay Erdogan.

Haddii Washington ay u aqoonsato Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil, waxay noqoneysaa dalkii ugu horreeyay ee sidaa sameeyo tan iyo markii la alkumay xukuumadda Israa’iil 1948.

Israa’iil ayaa haysatay bariga Qudus tan iyo markii uu dhacay dagaalkii Bariga Dhexe sannadkii 1967. Waxayna goosatay 1980kii. Waxay u aragtaa in ay iyadu leedahay, laakiin shuruucda caalamiga ah waxay dhigayaan in ay tahay dhul la haysto.

Israa’iil-na waxay Qudus u aragtaa in ay waligeed ahaan doonto caasimaddooda aanan la kala qaybin karin.

Laakiin Falastiiniyiintu waxay u arkaan Bariga Qudus in ay tahay caasimadda dalka ay Mustaqbalka yagleeli doonaan.

Xukuumadihiii kala dambeeyay ee Maraykanka waxay tan iyo 1948 taagnaayeen in mustaqbalka Qudus lagu go’aamiyo wadahadal aysanna samaynin wax saamayn ku yeelan kara waxa ka soo bixi doona wadahadalladaas.

Faranisiiska: Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa u sheegay Donald Trump inuu “ka walaacsan yahay“ in hoggaamiyaha Mareykanka uu iskii ugu aqoonsado Qudus inay tahy caasimadda Israa’iil, isagoo sheegay in taasi ay ku imaan karto oo kali ah wadahadal dhexmara dhinacyada Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Midowga Yurub ayaa ka digay ‘cawaaqib daran iyo cadho ka timaado ra’yul caamka qeyba badan oo ka mid ah dunida.

Jaamacadda Carabta ayaa ku tilmaantay tallaabo khatar ah oo cawaaqib darran reebi karto.

Sacuudiga ayaa sheegay in tallabaadasi ay sameeyn ku yeelan karto tubta nabadda.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas ayaa hogaamiyayaasha dunida ka dalbaday inay arrintan soo farageliyaan isagoo sheegay inay tallabadaasi ay “ burburin karto hanaanka nabadda.“

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jordan ayaa Maraykanka uga digay cawaaqib halis ah haddii uu Qudus u aqoonsado caasimadda Israa’iil.

 

23 total views, 1 views today

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada