Abaalka Farxadda Kuwa Murugaysan!
Dawan News
Smiley face
December 12th, 2017
Abaalka Farxadda Kuwa Murugaysan!

Sheekh Ibnu Qiyam  oo ka mid ah culimada muslimiinta ayaa yidhi :” Waxa laga yabaa adigoo gogoshaada iska hurda in Samada uu kaga yimaado abaal marin Allah (sw) kuugu deeqay oo xagiisa kaaga timi ”.

Waxaana laga yaaba inay ahayd abaalka Qof sabool ah oo aad caawisay, mid gaajaysan oo aad raashin siisay, qof murugaysan oo aad ka farxisay ama Qof dhibaato haysato oo aad ka korqaaday. Haddaba ha yaraysan inaad khayrka samayso.

Waayo Maanta dunida waxa ka cabanaya xanuunada dheregga laga qaado sida buurnida iyo subagga jidhka ku bata dad gaadhaya 1.3 Billion qof,  halka 900 milyan ay la il daran yihiin  gaajo iyo macaluul.  Weligaa isku day in Aadamiga kaalmayso.

Afkaaga laba ariimood oo keliya u adeegsado  inaad ilka cadyn farxad leh ku muujiso iyo inaad iskaba aamusto. Maxaa yeelay ilka cadayntu waa dhamaadka mushkuladda, Aamuskuna waa iyadoo laga gudbayo mushkuladii.    Sh.Shacraawi

Caqliga iyo carabka waxa ka dhaxeeya xidhiidh iska soo horjeeda (opposite), mar kasta oo caqligu yaraado, carabka qofkuna wuu dheeraada oo wax kasta ku hadlaa, marka caqliga qofku weynaado oo qiimo yeesho carabku wuu koobnaada mana hadlo iyadoo baahiyi keento mooye.

 

Qisas: Dal Kastaa Wuxuu Iska Leeyahay Dhaqano

351 total views, 2 views today

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada