“Soomaaliya Danteenna kama Talin Karto Dadkeenuna Waxay Doorteen…”
Dawan News
Smiley face
March 12th, 2018
“Soomaaliya Danteenna kama Talin Karto Dadkeenuna Waxay Doorteen…”

Hargaysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dawladda taagta-daran ee Soomaaliya aanay wax awood ah u lahayn diidmadda ay kala hor yimaadeen heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee ay dhawaan magaaladda Dubai ku kala saxeexdeen xukuumadda Somaliland, shirkadda DP World iyo dawladda Itoobiya.

Xukuumadda Somaliland, waxay sheegtay in diidmadda ay muujisay dawladda Muqdisho uu ka soo hor jeeddo jaarnimada, nabad ku wada noolaanshaha, xuquuqda bini’aadamku u leeyahay in uu noolaado oo uu horumaro, isla markaana dastuurka iyo shuruucda Somaliland ay u ogolaanayaan in cid kasta oo dalkeedda horumar ku samaynaysa ay heshiis la gasho.

Sidaasina waxa sheegay wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, oo shalay warbixin ka hor jeediyay fadhigii golaha Wakiiladda oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Baashe Maxamed Faarax.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo ay wehelinayeen todoba xubnood oo afar ka mid ahi ay ahaayeen wasiirradii goob jooga u ahaa saxeexa heshiiskaasi, iyo sharci yaqaano ka socday shirkadda Seaman’s and Seamen’s oo Somaliland kala talinaysay arrimaha sharci ee heshiiska, ayaa shalay hor-tagay golaha wakiillada.

Dr. Sacad waxa uu xildhibaanadda warbixin faahfaahsan ka siiyay qaabkii uu u dhacay dhamaystirka heshiiskii ay dhawaan magaaladda Dubai ku kala saxeexdeen shirkadda DP World, xukuumadda Somaliland iyo dawladda Itoobiya, faa’iidadda heshiiskaasi uu u leeyahay dalka iyo dadka Somaliland iyo waliba dalalka deriska ah.

“Intii aan Dubai joognay waxaanu la kulanay laba wefti, mid ka socday dalka Itoobiya oo uu hogaaminayay wasiirka gaadiidka iyo wasiiru-dawlaha maaliyadda iyo wefti kale oo ka socday shirkadda DP World oo ka koobnaa madax iyo looyarro. Kulankaasi oo ay u jeedadiisu ahayd in aan ka hadalno kala-na saxeexano laba heshiis oo kala ahaa mid saddex geesood ahaa oo ku saabsanaa wada lahaanshiyaha shirkadda dekadda Berbera maamulaysa ee DP World oo ay ku bahoobeen Somaliland, Itoobiya iyo shirkadda DP World. Ka labaad-na wuxuu ahaa heshiis laab geesood ahaa oo ku saabsanaa aaga Xorta ah (free Zone-ka) oo ay kala saxeexdeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo shirkadda DP World.

“Haddii aan wax ka taab-taabto heshiiska saddex geesoodka ah iyo sida loo kala yeelanayo saamiga shirkadaasi, ee inaga (Somaliland), Itoobiya iyo DP World inaga dhaxaysa. Waxaa loo kala leeyahay saamiga shirkadaasi sidan: 51% waxaa leh shirkadda DP World, 30% waxaa leh Somaliland, 19%-na waxaa leh Itoobiya.” ayuu yidhi Dr. Sacad.

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Haddii markii hore aynu ahayn DP World iyo Somaliland maxaynu uag baahanahay Itoobiya?. Itoobiya waxaynu uga baahanahay laba arrimood, ta kowaad waa maalgashi, midna waa macaamiil. Xagga maalgashiga Itoobiya waxay maalgashanaysaa wixii kaga soo hagaaga qaybteedda maalgashiga guud ee ku baxay fidinta iyo balaadhinta dekadda oo ahaa 442 milyan oo dollar. Taa macnaheedu waxa weeye waxay maalgashanaysaa Itoobiya qadar gaadhaya qiyaastii ilaa 80 milyan oo dollar.”

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, waxa uu faahfaahiyay baahida ay Somaliland u qabto macmiilnimada Itoobiya ee dekeda Berbera, waxaanu yidhi “Maxaynu macmiilkoodda uga baahanahay Itoobiya? Waxaynu uga baahanahay wakhti xaadirkan inaga iyo Itoobiya ganacsi ayaa inaga dhexeeya, ganacsigaasi oo dhinac keliya ka socda, oo waxyaabo badan ayaynu ka soo iibsanaa Itoobiya oo ay ka mid yihiin xoolaha, Qaadka, Sibidhka iyo khudradda, inaga-na wax yar ayaa Itoobiya inaga tagga.

Markaa adeeg ayaynu waydaarsanaynaa badeecadahaas Itoobiya inooga yimaadda. Markaa sidii aynu u dheelitiri lahayn ganacsiga labadeena inaga dhexeeya ayaynu u baahanahay adeeg in aynu ka iibino. Itoobiya dekadda inalama maamulayso, dekadda waxaa maamulaya shirkadda DP World Berbera, iyaguna shirkadda saami ayay ku leeyihiin, guddiga-na xubno ayay ku yeelanayaan, laakiin inalama maamulayso”.

Sidoo kale wasiirku waxa uu ka hadlay saamaynta uu heshiiskani ku yeelanayo dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee hadda ka jira dekadaha dalka Jabuuti, isagoo tilmaamay in hiigsi iyo qorshe fog oo istaraatijiyadeed uu wadamo badan oo Afrikaan ah u samaynayo casriyaynta iyo balaadhinta dekadda Berbera, waxaanu yidhi “Sidee buu u saamaynayaa badeecadaha inaga la ina soo mariyo, ee ku socda ama ka timaadda Itoobiya, xidhiidhka wada shaqayneed ee ay imika leeyihiin Jabuuti iyo Itoobiya, miyuu Jabuuti saamaynayaa? Maya wax saamayn ah ku yeelan maayo. Dhismaha iyo balaadhinta dekadu waxay qaadanaysaa wakhti, 14 bilood ama ilaa laba sanadood ayay qaadanysaa.

Dhaqaalaha iyo tiradda dadka Itoobiya waxay ku kordhayaan xawli aad u sareeya, marka la eego daraasad la sameeyay. 25-ka sanadood ee soo socda tiradda dadweynaha Itoobiya iyo labadda dal ee deriska la ah oo aan Badda lahayn ee Koonfurta Suudaan iyo Uganda, halka ay tiradda dadkoodu gaadhi doonto. 25 sanadood kadib marka la isku darro tiradda dadweynaha 3-daas dal wuxuu gaadhi doonaa 322milyan, dhaqaalahooduna wuxuu gaadhi doonaa ilaa 640bilyan. Labadaas qodob oo keliya marka la eego dekadaha ay u baahan yihiin way ka badnaanayaan Baddaha Jabuuti, Berbera iyo Casab iyo Port Sudan iyo intan imika jirtaba. Waxay u baahan doonaan ilaa 10 dekadood oo kale. Markaa dekadeenu waxba ka ridi maayo rarrka ganacsi eek a imanaya ama ku socda dekadda dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti”.

Geesta kale wasiirka arrimaha dibadda Somaliland waxa uu ka hadlay sharciyadda heshiiskaasi oo uu sheegay in uu yahay mid ku salaysan dastuurka iyo shuruucda Somaliland, isla markaana dastuurka qaranku uu madaxweynaha iyo xukuumadiisa u ogol yahay in ay heshiis la galaan cid saddexaad.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Heshiiskan aan dhawaan Dubai ku galnay waa sharci, wuxuuna ku salaysan yahay heshiiskii ay hore baarlamaanka Somaliland u ansixiyeen, wuxuu ku salaysan yahay dastuurkeena oo u ogolaanaya madaxweynaha iyo xukuumadiisu in ay la galaan heshiis cid saddexaad, ama dal ha ahaato, ama shirkad ha ahaato. Waanay jireen heshiisyo aynu hore u galnay, markaa kanina wax cusub ma aha. Sharciga caalamkuna ma diidayo.

Sharciga federalka Soomaaliya inaga inama qabto. Waayo? Dadkeenu Farmaajo may dooran, may dooran xildhibaanadda Xamar fadhiya, inama metelaan, danteenanna kama talin karaan. Dadkeenu waxay doorteen xildhibaanadiinan halkan soo fadhiya, waxay doorteen madaxweynaheena, madaxweyne ku xigeenkeena.Heshiiskani wax dhibaato ah uma laha dalka Soomaaliya ee aynu deriska nahay, balse faa’iido ayuu u leeyahay, oo wixii dekadda Berbera soo maraa waxay waraabin karaan dalalka aynu jaarka nahay oo dhan, ama ha ahaato Soomaaliya, Jabuuti ama Itoobiya”.

“Dawladda Soomaaliya xaq uma laha in ay is hor taagto heshiiskani. Diidmadda ay muujiyeena waxay ka soo hor jeedaa jaarnimadeena, nabad ku wada noolaanshaheena, xuquuqda bini’aadamku u leeyahay in uu noolaado oo uu horumaro. Diidmadda ay ku kacday dawladda federaalka Soomaaliya ee la xidhiidha heshiiskani iyo horumarkeenna, wuxuu wax yeelayaa wadahadalkii inoo socday, oo haddii jawi lagu wadahadlaa aanu jirin, dabcan la isma soo hor fadhiisan karro. Inagu kamaynaan bixin wadahadalkii oo waa halkiisii, laakiin waa in jawigii saxda ahaa la hello si loo wadahadlo”ayuu yidhi wasiir Sacad.

Wasiirka ayaa fariind dar-daaran ah u diray guud ahaanba shacbiga Somaliland guddo iyo dibad-ba, xukuumadda, goleyaasha baarlamaanka iyo qaybaha kale ee bulshadda, taasoo la xidhiidhay sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa qadiyadda arrintaasi gaar ahaana carqaladaynta maamulka Muqdisho.

“Waxaa inala gudboon haddii aynu nahay dadka reer Somaliland markay taagan tahay qadiyadda arrintani, waxaana haboon in aynu gebi ahaanba gacmaha is wada qabsano, oo midawno, saf keliya aynu ahaano, haddii ay tahay dawladda, haddii ay tahay baarlamaanka, haddii ay tahay shicibka, qurba jooga iyo dal jooga ragg iyo haweenba, dhalinyarro iyo waayeelba”ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadu waxa uu mudaneyaasha warbixin ka siiyay heshiiska labaad ee barxadda ama aaga xorta ah ee la doonayo in dekadda Berbera laga dhiso. Waxaanu yidhi “Heshiiska labaad ee aaga xorta ah free zone-ka, heshiiskaasi waa mid laba geesood ah wuxuuna ka dhexeeyaa Somaliland iyo DP World. Aaga xorta baaxadiisu waxay gaadhaysaa ilaa 1240HG.

Wuxuuna u dhaw yahay oo laga dhisi doonaa meel u dhaw magaaladda Berbera ilaa 2KM ayuu jiraa qiyaastii wadadda isku xidha magaalooyinka Hargaysa iyo Berbera. Dhismiihuna wuxuu bilaabmayaa sanadkan aynu ku guddo jirno. Faa’iiddo balaadhan ayaana inoogu jirta free zone-ka. Sida caadiga ahna laba u jeedo ayaa loo samaystaa oo midi tahay shaqo abuur, midna waxa weeye wixii ka soo baxaya ee debadda loo dhoofiyo oo lacag adag laga hello, waxaanan rejaynaynaa labadaas u jeedaba in uu inaga saacidi doonno”.

Geba gabeadii fadhiga shalay ee golaha Wakiiladda ayaa mudaneyaashu waxay su’aalo arrintaasi la xidhiidha wax ka waydiiyeen wasiirka, iyadoo fadhiyo danbe loo balamay in wixii mad-madow xildhibaanadda kaga jiro in wasiirku ka shaafiyo.

Dawannews Hargeysa office

84 total views, 1 views today

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada