18-ka May 27 Guuro Qaran oo La Mahadiyay Cidna Aan Marti Looga Ahayn
Dawan News
Smiley face
May 14th, 2018
18-ka May 27 Guuro Qaran oo  La Mahadiyay Cidna Aan Marti Looga Ahayn

Hargeysa (Dawan)- Guud ahaan geyiga Somaliland  ayaa maalinta berri ah oo ku beegan 15-ka May, waxa laga xusi doonaa oo  looga debbaal degayaa 27-tan guurada ka soo wareegtay  maalinta qarannimada Somaliland oo ku beegan 18-ka May. Munaasibaddan debbaal degga qaran ayaa la qaban jiray 18-May, laakiin sanadkan waxaa loo soo hor mariyay si loo kala  duwo bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan iyo xuska qaran  oo isku beegmay.

Haddaba maxay uga dhigan tahay 18-ka May shucuubta reer Somaliland ee gudo iyo dibed ku kala nool yar iyo weyn, rag iyo dumar.?

Waxay uga dhigan tahay ee ugu weyni waxay tahay in ay u debbaal degayaan iyaga oo xor ah maalinta qarannimada Somaliland, isla markaana ay xusayaan iyaga oo ku farax san oo waliba ay dareenkooda ku wayn tahay.

Waxa kale oo ay uga dhigan tahay maalin saddexaad oo  ciid ah, waliba ciid  qaran oo u gaar ah Somalilad dadkeeda, cidina aanay la wadaagin.

Haddii bulshada reer Somaliland ay hore iyaga oo karahsan oo madluun ah lagu qasbi jiray in ay u debbaal degaan  maalintii ay ka xoroobeen ee xukunkii Millatariga ahaa ee ku amar ku taaglayn jiray wixii la isku odhan jiray Soomaaliweyn ee 21 Oktoobar, taas oo dadkana la soo raafi jiray oo qasab guryaha lagaga soo saari jiray si ay  taageero ugu muujiyaan taliskii dhiigyo cabka ahaa ee Siyaad Barre oo aanay cidina taageersanayn laakiin xoog iyo awood uu dadka ku cabudhinayay awgeed Oktoobarta loo mari jiay, maanta 18 May waxaa loo debbaal degaa iyadoo qof waliba uu  gaarkiisa ugu  qanacsan yahay uguna faraxsan yahay in uu isu taago maalintiisa qaran.

Waana maalin ku  xardhan xididada dhiigga wada ee dhamaan dadka eer Somaliland.

Waxa kale oo ay tahay xuska 18 May farriin cad oo ay bulshada Somaliland u dirayaan caalamka oo dhan oo ay ku muujinayaan qarannimada iyo madaxbannaanida dawladdooda iyo in ay tahay go’aan shacab oo aan laga noqon karin cidna wax ka bedeli karin oo ay masiirkooda iyo aayahooda ku goosteen isla markaana cidna aan marti looga ahayn waxna laga waydiinayn.

Haddii aan dib ugu noqono kaydka wararka ee  wargayska Dawan waxaanu halkan idiinku soo gudbin doonaa waaysi xogo badan xambaarsan oo aanu la yeelanay  debbaal degii sanad guuradii 24 aad ee ka soo wareegtay maalinta qarannimada Somaliland xog-hayihii shirweynihii koobaad  ee beelaha Somaliland ay ku qabsadeen magaalada Burco Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) oo ahaa shaqsigii ku dhawaaqay go’aamadii kasoo baxay shirweynihii koobaad ee beelaha Somaliland ee magaalada Bucro ku qabsoomay ee lagaga dhawaaqay  la soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland.

Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan taariikhdu markay ahayd 14,bishii shanaad ee sanadkii 2015,kii oo loo diyaar garoobayay debbaal degga sanad guuradii 14 aad ee la soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland, ayaa ka hadlay sababihii keenay gooni isu taagga Somaliland iyo la soo noqoshada madaxbannaanida qaran ee Somaliland.

Waxaa kale oo uu ka hadlay sida bulshada reer Somaliland ay ugu dhammayd in Somaliland xornimadeedii  26-kii Juun ee lixdankii in ay la soo noqoto  taasoo uu caddeeyay in jabhaddii SNM ee Somaliland xornimadeeda u soo halgantay in doorka ay ku lahayd  oo uu tilmaamay in uu ahaa in ay gogosha nabadeed ee ay beelaha isgu keentay oo keliya ay ku lahayd.

Waxaanu intaa ku darat in cidda isku raacday in ay Somaliland goosato ee ay ka timi in ay ahaayeen guud ahaan waxgaradkii iyo madaxdhaqameedkii Beelaha Somaliland  ee shirweynihii koobaad ee beelaha Somaliland wada yeeshay ay wada gaadheen.

Xaaji Aadan Baradho oo ka mid ah waayeelka iyo aqoonyahanka iyo ganacsatada reer Somaliland oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi “Markii SNM ay dalka xoraysay ee lagu guulaystay halgankii mudada badan socday ee aynu ku ridaynay rajiimkii Siyaad Barre waxay SNM qabatay oo ay gogol u fidisay guud ahaan beelaha dega Somaliland oo qaybina SNM ahayd qaybina aanay raacsanayn oo ay dhanka kale ahaayeen gogoshaa banadeed ee SNM u fidisay beelaha ayay isugu yimaadeen wax garadkii cuqaashii salaadiintii guud ahaan beelaha Somaliland wada dega min Ceelaayo illaa Lawyacaddo waxaanay SNM isu daysay in ay ergooyinka beeluhu gaar u soo wada hadlaan oo isa soo turxaan bixiyaan la isna saamaxo oo dib u heshiisiin ay madaxdhaqameedka iyo wax garadka beeluhu soo wada sameeyaan. Markii ergooyinka beeluhu gaarkooga u guda galeen arrimaha aayo ka tashiga ummadda waa la xisaabtamay oo waxaa la is waydiiyay guud ahaan dalkii Somaliland ee Ingiriisku gumaysan jiray waxay faa,iido ka hayaan midnimadii ay la galeen Soomaaliyadii Talyaanigu gumaysan jiray ee ay horumar ka arkeen intii ay jirtay wixii la odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaanay noqotay dhan kasta markii laga eegay sadex shay oo labana ay Soomaaliya ku danaysanaysay midna ay dirqi ku hirgashay.” Aadan Baradho oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay. “Sadexdaa shay ee wax faa,iido ah laga arkay waxay kala ahaayeen dhismaha dekeda Berbera oo waxa ka soo baxa ay reer Soomaaliya qaadan jireen illaa maalintii la midoobay,wadada laamiga ah ee isku xidhaysay Laascaanood illaa Dila oo ay boobka khayraadka reer Somaliland u soo mari jireen mida sadexaadna waxay ahayd wershadii sibidhka oo dirqi ku hir gashay Maamulkii reer Soomaaliyana ku dedaalayeen in wershadana Koonfur laga dhiso dhagaxa sibidhkana buuraha berbera in laga qaado taasoo markii dambe dirqi lagaga dhisay Berbera waxa kaliya ee 60-kii illaa 91 dii inaga soo gaadhay intaasay noqotay. Waxaa kale oo wax la iska weydiiyay maxaynu dhibaato ka dhaxalay.”Aadan Baradho oo wali hadalkiisa sii wata kana hadlaya ergooyinkii beelaha Somaliland oo dhan ka socday siday u wada xisaabtameen una qiimeeyeen midnimadii qasaare iyo faa,iido waxay Somaliland ka hayso,ayaa intaa sii raaciyay. “Qasaarihii ka dhashay ee reer Somaliland midnimadii 60 ka soo gaadhayna wuxuu noqday mid aan la qiyaasi karin oo dad,dal iyo duunyoba saameeyay waxaa la waayay gobol kaliya oo ka mid ah Somaliland ooh al mashruuc oo faa,iido leh laga hir galiyay waxaa laga quustay wax kaliya oo la taaban karo oo guud ahaan bulshada Somaliland ka heshay midnimadii halka min Lawyacado illaa Laasqoray ay ka sinnaayeen dib u dhaca iyo boobka ay ku hayeen madaxdii kala dambaysay ee reer Soomaaliya intaa waxaa dheeraad ku sii ahaa gumaadkii iyo xasuuqii uu kula kacay qaybo ka mid ah beelaha reer Somaliland waxaa kale oo intaa sii dheeraa in uu taliskii Siyaad Barre isagoo kursigiisa ku sii adkaysanaya in uu colaado kala dhex dhigay beelaha wada dega Somaliland.” Aadan Baradho markii uu ka waramay sida ay guud ahaan ergooyinka ka socday beelaha Somaliland ee ay gogosha nabadeed u fidisay SNM waxaa uu ka hadlay wixii la isla qaatay ee lagu doorsaday midnimadii Somaliland la gashay Soomaaliya ee looga guuray iyo siday ku dhalatay Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu hadalkiisa ku bilaabay. “Markii la isla gartay in waxaasoo dhibaato ahi ay ka soo gaadheen bulshada reer Somaliland midnimadii ay la galeen koonfurta waxaa lagu go,aansaday oo la isla qaatay in dadka reer Somaliland oo isku dhan wax garadkii beeluhuna u wada joogaan in lala soo noqdo Madaxbannaanidii 60 ay reer Somaliland iska tureen gaarkoodana isu taagaan markaasaan ku dhawaaqay la soo noqoshada gooni isu taagga Jamhuuriyadda Somaliland in guud ahaan ergada beelaha wada dega Somaliland isla qaateen intaa ka dibna go,aankii ay ergada beeluhu isla qaateen ee aan ku dhawaaqay ayaanu u soo gudbinay shirwaynihii SNM oo markii hore intay beelaha gogosha u fidiyeen isu daayay shirkaasoo uu guddoominayay Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac oo markaa ahaa Guddoomiye ku xigeenka ururka SNM intaa ka dibna waxaa halkaa si rasmi ah lagaga dhawaaqay dawladda Somaliland.” Aadan Baradho oo aanu waydiinay maalintaa ay ergada beeluhu isla qaateen la soo noqoshada Qarannimada Somaliland siduu dareenkoogu ahaa iyo wuxuu ka leeyahay hadalka siyaasiyiinta Somaliland diidka ah ee ku ah dooda Somaliland looma dhamma ee beeshii SNM ayaa samaysatay,ayaa ku jawaabay. “Horta SNM markii ay dalka qabteen ee ay dalka xoreeyeen waxay gogol nabadeed isugu keeneen guud ahaan beelihii Somaliland SNM-na waxay wax garadka beelaha u daysay in ay aayaha ummadda kasoo talo bixiyaan dib u heshiisiin dhab ahna ka dhex dhaliyaan dhaliyaan beelihii colaadda laga dhex abuuray ergadii beelaha oo isu dhan ayaana gaadhay go,aanka Somaliland lagu dhisay SNM-na ula timi,hoggaankii SNM-na taasay nala qaateen laakiin siyaasiyiinta Somaliland diidka ah ee dhalasho ahaan ka soo jeeda dalkan waxaan u arkaa fikirkooga Somaliland diidka ahi inuu ka dhasha oo kaliya mansab ay dalka ka waayeen iyo dhaqankii aynu ka dhaxalay nidaamkii aynu la midawnay oo ka shaqayn jiray oo kaliya isku dirka iyo hurinta colaaddu laakiin waxaan odhan lahaa Somaliland qasan iyo caadifad laguma dhisin ee rabitaan dadwayne iyo is xisaabin wixii midnimada dhib iyo dheef reer Somaliland ka dhaxleen ayaa la soo noqoshada Qaranimada lagu dhisay waanan hayaa waraaqihii ay wada saxeexeen waxgaradkii beelaha Somaliland oo mid kastaba deegaanka uu ka socdo iyo magiciisu ku saxeexan yahay.” Ugu dambayn Aadan Baradho waxaa uu guud ahaan bulshada reer Somaliland kula dar daarmay in loo wada midoobo danta guud iyo wada jirka Somaliland dhanna looga soo wada jeedo nabad gelyada Somaliland. “Maanta waxaynu maraynaa 24 guuradii qaranka Somaliland oo aynu todobaadka dambe u dabbaal degayno 24 sano waxaynu qabsanayna waxaa tusaale dhaw kuugu filan intii ay jirtay Somaliland ilmihii dhashay ayaa jaamacad ka baxay oo shaqo galay,waxaa tusaale horumar kuugu filan maalintii aan ku dhawaaqayay go,aanka beelaha Somaliland wada gaadheen wax aanu wax ku qorno ayaanu maalin dhan raadinaynay markii dambe ayaanu soo hellay nin kaliya oo teeb haysta oo saldhigga dhexe ee Burco la fadhiista maalin maalin kaasaa go,aamadii noo garaacay maantana tuulooyinka Somaliland iyo Maraykan ayaa isku si looga wada adeegsadaa aqoonta tiknoolajiyadda casriga ah,markaa waxaan ugu dambayn bulshada reer Somaliland kula dar daarmayaa waynu mahadinay la soo noqoshada Somaliland oo waynu ku noolaanay kuna caano maalnay waana wax ILLAAHAY loogu mahad naqo waxaan intaa raacinayaa nabad gelyada aynu wada ilaashano rag iyo dumar yar iyo wayn dawlad iyo shicib mucaarid iyo muxaafid waxaa ina mideeya oo inaga wada dhexeeya ee aynu wada ilaashanaynaa waa qarannimada Somaliland qaranimo iyo dawladnimo waxay u baahan tahay wada jir iyo waxa la wada leeyahay oo la wada ilaaliyo taasaa ina midaysa ee aynu ku faro adaygno.”ayuu yidhi Xaaji Aadan Axmed Diiriye(Aadan Baradho)

Bulshada Somalilad ayaa debbaal degaysa iyadoo aan kala lahayn Mucaarid iyo Muxaafid laakiin ku midaysan oo wada leh qaranka Somaliland oo ay u wada taagan yihiin illaalashadiisa iyo ka dhawridda wax kasta oo cadaw ku ah,waxaanay doorkan debaal degayaan iyaoo uu dalka gadhwadeen ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ah Madaxweynihii shanaad ee Somaliland isla markaana ah Madaxweynihii sadexaad ee lagu soo doortay codka dadweynaha Somaliland.

Haddaba  xuska 27 guurada maalinta qarannimada Somaliland  oo ah Maalin ay ummadda Reer Somaliland gaar u leedahay oo aanay cidna marti uga  ahayn, waxay ku debbaaldegayaan xornimo dhiig iyo xinjir ku joogta oo aanay dhayal ku helin, isla markaana aanay dib uga laabanayn oo aan lagu sandullayn karin in lagu dirqiyo wax aanay doonayn.

Dawannews Hargeysa office

28 total views, 1 views today

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada