Xukuumadda Somaliland oo u Digtay Saxaafadda Dalka ka Hawlgasha
Dawan News
Smiley face
July 11th, 2018
Xukuumadda Somaliland oo u Digtay Saxaafadda Dalka ka Hawlgasha

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa warbaahinta ka hawlgasha gudaha dalka uga digtay in ay baahiyaan warar aan ka soo bixin guddida nabadeynta ee Ceel-afweyn. Waxaanay sheegtay in ay waajib ku tahay qof kasta oo hawl saxaafadeed gacanta ku haya, ama muwaadin ah inuu ka taxadaro, kana fogaado wax kasta oo waxyeelayn kara, hawsha nabad raadinta ee ergaddu u fadhido.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland. sidoo kale warsaxaafadeedkaasi waxaalagu mamnuucay wax kasta oo carqaladeyn kara nabadda, sida ay faafisay wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA.Warsaxaafadeedkaasi oo dhamaystiranina waxa uu dhignaa sidan: “Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku caano-maashay oo lagu majeertaa siday dhidibada adag ugu taagtay in bulshada reer Somaliland iyo kuwa deriskuba nabad ku wada noolaadaan, sababta oo ah iyada ayaa fure u ah horumar kasta oo bulshooyinka caalamku gaadhaan.

Sidoo kale, waxaanu saxaafadda madaxa-bannaan ku amaanaynaa doorarkii shariifka ahaa ee ay ka soo qaateen nabadeyntii iyo dib u heshiisiintii beelaha Somaliland iyo kaalintii ay ku lahaayeen dib u dhiska qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland. Maantana waxa looga fadhiyaa inay ka qaataan arrinta nabadeynta ee Ceel Afweyn qeyb libaax, si deegaankaasi ay ergadu uga hirgeliso nabad waarta.

Geesta kale siraha ciidammadu waxay ka mid yihiin waxyaabaha ka reeban saxaafaddu inay wax ka qorto ama ka tebiso fasax la’aan, waana mid ay ka siman yihiin warbaahinta dunidda oo dhan, waayo waxay xeeriyaan shuruucda iyo anshaxa saxaafadda, waxayna iska ilaaliyaan wax kasta oo la xidhiidha hawlaha ciidammada, waxaanay baahiyaan kaliya wixii warar ah ee ka soo baxa talisyadooda.

Sidaas awgeed, waxaanu ku wargelinaynaa, kuna adkaynaynaa saxaafadda ka hawlgasha JSL inay ka waantoobaan wax ka sheegga hawlaha ciidammada siiba xaaladda dagaal ee ka taagan Tuka-raq ee ay isku horfadhiyaan ciidanka qaranka iyo ka Soomaaliya.

Wararka kaliya ee laga tabin karaa jiidaas dagaalku ka taagan yahay ee Tuka-raq waa midka ka soo baxa taliska ciidanka ama xukuumadda, waxaana reebban in warar malo-awaal iyo kuwo laga soo xigtay meelo kale oo aan ahayn ilaha rasmiga ah laga sii daayo guud ahaan warbaahinta dalka.”

Dawannews Hargeysa office

26 total views, 2 views today

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada