Wasiir Sacad oo Sharraxay Furaha Aqoonsiga Somaliland Cidda uu ku Xidhan Yahay
Dawan News
Smiley face
August 9th, 2018
Wasiir Sacad oo Sharraxay Furaha Aqoonsiga Somaliland Cidda uu ku Xidhan Yahay

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay waddada iyo dariiqa ugu wanaagsan ee Somaliland ay beesha caalamka kaga heli karto aqoonsi caalami ah.

Wasiir Sacad, waxa kale oo uu ka hadlay qorsheyaasha cadowga Somaliland iyo dagaalka lagu soo qaaday qarannimada dalku in ay tahay mid sidii hore ka xoog badan. isla markaana meelo kala duwan laga soo qaaday una baahan in Somaliland oo isku duuban dawlad, shicib, mucaarid iyo muxaafid in la iska kaashado oo isku duubni lagaga hor tago. Taas oo uu caddeeyay in ay tahay sida qudha ee ay Somaliland ku guulaysan karto.

Dr. Sacad waxa kale oo uu sheegay in wakiilka Somaliland u jooga dalka Itoobiya ay ka sugayaan in uu soo xaqiijiyo in ay jiraan dad reer Somaliland ah oo ay waxyeello ka soo gaadhay shaqaaqooyinkii ka dhacay magaalooyinka Jigjiga iyo Diridhaba. markaa ka dibna haddii cid Somaliland u dhalatay ay waxyeello ka soo gaadhay in ay kala hadlayaan dawladda Itoobiya. Iyaga oo gudanaya waajibka ka saaran illaalinta muwaadiniinta Somaliland ee dalalka kale ku nool.

Wasiirku waxa kale oo uu si weyn faahfaahin uga bixiyay hawlaha shaqo ee ugu waawayn ee u qabsoomay muddooyinkii u dambeeyay iyo cilaaqaadka Somaliland la leedahay caalamka oo uu tilmaamay in uu heer wanaagsan marayo, waxaanu soo dhaweeyay in la dhaliili karo shaqada uu qaranka u hayo taasina ay caddaynayso in ay shaqaynayaan.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi gaar ah oo uu shalay siiyay wargeyska Dawan. Isaga oo ugu horrayn ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay in ay jiraan dad Somaliland u dhashay oo waxyeello ka soo gaadhay shaqaaqooyinkii ka dhacay xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjida iyo magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya todobaadkan iyo haddii ay jiraan tallaabada ay qaadayaan ka dawlad ahaan, ayaa yidhi. “horta dalka Itoobiya waa dal aynu deris nahay oo aynu aad isu dhex galnay. isla markaana dad badan oo Somaliland u dhashay ayaa ku nool deegaamadaas oo siyaabo kala duwan u tegay, hadday waxbarasho tahay, hadday xaalad caafimaad tahay iyo hadday ganacsi noqotaba.

Waxa kale oo jira dad badan oo reer Somaliland ah oo labada dal iskaga gudba oo Itoobiya marin ay ka soo degaan kana dhoofaan u tahay. Itoobiyana waxaa inoo jooga wakiil oo xafiiska aynu ku leenahay waxaa uu ku yaalla caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa. laakiin magaalooyinka Jigjiga iyo Diridhaba iyo magaalooyinka kale wakiillo kuma lihin,

Markaa waxaannu ka sugaynaa warbixin sugan wakiilka Somaliland ee Addis Ababa inoo jooga. warbixinta uu na soo siiyo haddii ay jiraan markaa dad reer Somaliland ah oo waxyeello ay ka soo gaadhay shaqaaqooyinkii ka dhacay Itoobiya waxaanu si toos ah ugala hadlaynaa dawladda federaalka Itoobiya, annaga oo gudanayna waajibka naga saaran illaalinta nabad gelyada muwaadiniinta Somaliland ee dalalka kale ku nool oo ka mid ah shaqada aanu qaranka u hayno.

Meel kasta oo ay ku nool yihiin dadka reer Somaliland xaaladooda waanu ka war haynaa halkii dhibaato ka soo gaadhaysana waanu ka hor tagnaa tanna warbixinta nalaga soo siiyo safaaradda aynu Addis Ababa ku leenahay ayaanu ka duulaynaa marka ay timaaddo.”

Wasiirka oo la waydiiyay sida Somaliland aqoonsi caalami ah ku heli karto iyo in uu jiro dariiq u jeexan oo uu bulshada la wadaagi karo oo ictiraafka soo dedejin kara, ayaa ku jawaabay. “horta Somaliland waa dal jira iyo xaqiiqo ahaan aan la dafiri Karin. waanu ogyahay caalamku halka ay marayso, kawasaarad ahaanna xidhiidho badan, ayaanu soo samaynay muddadii aan xilka hayay oo saaxiibbo badan, ayaannu dalka ku soo xidhnay .

Aqoonsi raadintu, shaqada aanu qaranka u hayno ayay ka mid tahay. laakiin wasaaraddu aqoonsi meel yaalla oo ay sida alaabta dukaan ka soo qaadaysaa ma jirto, balse hawsha noo taalla waa in aanu ka hawl galno.

Aqoonsiga Somaliland maanta maalin uu ka dhaw yahay ma jirto, laakiin Somaliland CadOwgeedu weerarro badan ayuu ku soo qaaday oo dhan walba leh. waxaanay u baahan tahay in isku duubni lagaga gaashaanto. aqoonsiga Somalilandna waxaa uu ku xidhan yahay waa wax innaga inagu xidhan oo ah furaha aqoonsiga Somaliland taasina waxay tahay in aynu isku duubni iyo dhan u wada jeed iyo midnimada Somaliland in aynu u wada istaagno oo ka wada shaqayno oo caalamku uu arko in aynu nahay umad xuquuqda ay leeyihiin aan laga dhaqaajinayn oo aan cidna uga tegayn xaqooda, meelna uga soo wada jeedda qarannimadooda.

markaan taa samayno ee aynu innagu sida ul iyo diirkeed mid qudha wada noqono oo waxa keliya ee ay u wada halgamayaan ay tahay illaalinta qarannimadooda iyo wada raadinta aqoonsiga dawladnimadooda, ayay wax waliba inoo hagaagayaan. wasaaradduna kelideed shaqadaa ma qaban karto ee waxay u baahan tahay hawshaasi midnimo iyo wada jir. Markaynu sidaa samayno waan hubaa in aanu aqoonsiqa Somaliland wax badan innagu qaadanayn.”

Wasiirka oo la waydiiyay waxa uu kaga jawaabayo dhaliilo badan oo loo soo jeediyo iyo in shaqadii wasaaraddiisu fadhiid ay noqotay, ayaa yidhi. “horta waxaan shaqaynaa ugu yaraan 16 saacadood mana filayo in maalin keliya wakhti intaa ka yar aan shaqaynay,waxaanu samaynay wakiillo badan oo ugu yaraan 26 dal oo caalamka ah oo kala duwan,ayaan wakiillo ku leenahay ,waxaan ka qayb galay shirar badan oo caalamiya oo aan qaddiyadda Somaliland hor dhignay, waxaan qaybinay warbixinno kala duwan oo ka hadlaya qarannimada Somaliland iyo halgankii loo soo maray iyo xasuuqii loo geystay dadka reer Somaliland iyo halgankii dib u dhiska qaranka iyo halkii laga soo bilaabay Somaliland iyo halka aynu maanta joogno.

Waxa kale oo aanu suura gelinay in Somaliland ay yeelato saaxiibbo badan oo aqoonyahan iyo xildhibaanno qaaradaha kala duwan ah oo u dooda qaddiyadda Somaliland iyo in dalalkoodu ay aqoonsadaan,waxaa kale oo aanu suura gelinay oo aanu samaynay in aanu isku xidhno jaalliyadda reer Somaliland ee qurbe joogga iyo dalka ,kuwaas oo dib u dhiska dalka iyo horumarkiisaba kaalin wayn kaga jira.

Waxaanu samaynay wakiillo kala duwan oo Somaliland ay ku yeelatay AU-da iyo Qaramada Midoobay, waxaas oo dhami waxay ka mid yihiin waxyaabaha aanu soo kordhinay. waxa kale oo aanu suura gelinay in maanta arday badan oo reer Somaliland ahi dalal badan oo caalamka ah ay ku tagaan kuna joogaan baasaboorka Somaliland oo maantaba arday reer Somaliland ah, ayaa dalal Maraykanku ka mid yahay ku jooga baasaboorka Somaliland. Halkaana kagama hadhayno ka midho dhalinta qaddiyadda Somaliland ee waanu sii wadaynaa, in nala dhaliilona ma diidanin waanan soo dhawaynaynaa in nala dhaliilaana waxay caddaynaysaa in aanu shaqaynayo,illayn cid aan qasho hayni dhaliil ma yeelato laakiin innagoo is dhaliilayna ayaynu hadana u baahannay in aynu u midaysnaano ka midho dhalinta qaddiyaddeeda iyo dariiqa aqoonsi raadinta waxaana loo baahan yahay in qof waliba halkiisa ka noqdo ergay Somaliland oo ku hawlan aqoonsi raadinta qaranka,iska daa wax kale oo haddaad ka shaqayso waddooyinka xaafadaada oo aad hagaajiso waxaad qayb ka qaadatay aqoonsi raadinta qaranka.” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr.Sacad Cali Shire oo waraysi gaar ah siiyay wargayska Dawan.

 

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada