Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka oo soo Bandhigay Hannaan Mar Keliya Gobolada Dalka oo dhan Tartan looga wada qaban karo
Dawan News
Smiley face
September 12th, 2018
Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka oo soo Bandhigay Hannaan Mar Keliya Gobolada Dalka oo dhan Tartan looga wada qaban karo

Hargeysa (Dawan):- Guddoomiyaha guddiga qandaraasyda qaranka Somaliland Nuux Maxamed Xuseen, ayaa sheegay in muddadii uu xilka hayay in ay wax badan ka bedeleen hannaanka loogu tartamo qandaraasyada qaranka, isla markaana ay ka dhigeen mid daah furan oo shirkadaha tartamayaa ku wada qanacsanaan karaan.

Waxa kale oo uu intaa ku daray in ay jiraan shuruudo lama dhaafaan ah oo shirkadaha dalka ee u tartamaya qandaraas dawladeed laga rabo oo shirkadda aan shuruudahaa buuxinna aanay ka qayb qaadan Karin, xaqna u lahayn in ay tartan qandaraas dawladeed ka qayb gasho.

Guddoomiyaha qandaraasyada qaranka Somaliland, waxa kale oo uu sheegay in dhammaan shirkadaha gobolada dalka ka hawl gala in ay u wada tartami karaan qandaraas kasta oo la baahiyo, gobolka kasta oo dalka ka mid ahna ay baahinta si casri ah u gaadhsiinayaan oo lagala socon karo baahinta qandaraasyada illaa mobillada.

Waxaanu sidaa ku sheegay guddoomiye Nuux waraysi gaar ah oo uu xafiiskiisa ku siiyay wargayska Dawan.

Ugu horrayn guddoomiyaha oo la waydiiyay in cabashooyin hore uga jiri jiray bixinta qandaraasyada qaranka in ay taasi dhammaatay iyo in wali cabashi jirto, ayaa ku jawaabay. “cabooshinkii hore u jiri jiray waxyaabihii keenayay ayaanu dawaynay, intaanaan qabanin baahinta qandaraasyada iyo habka ay uga qayb qaadanayaan shirkaduhu laakiin cabasho way ka timi markii ay ka timina waxaanu u yeedhnay shirkadihii cabanayay oo aanu wada hadalnay, waxii ay ka cabanayeenna waanu ka qancinay.

Markii dambena iyaga ayaaba warbaahinta la hadlay oo caddeeyay in aanu qancinay oo ay u caddaatay in tartanka lagaga guulaystay waxaanay hambalyeeyeen ciddii la guulaysatay.

Markaad tartan qandaraas oo loo tartamayo isla markaana shirkado badani ay ka soo qayb gelayaan, aad qabanayso waxaa loo baahanyahay ee ugu horreeya waxa weeye in tartanka aad u qabanayso si daah furnaan ah oo aan wax mad madaw ah lahayn oo lagu kalsoonaan karo iyo in aanay jirin cid gaar ah oo aad daaha dabadiisa ku haysato, waxaanan ku shaqaynaynaa siyaasadda madaxweynaha ee ah in qandaraasyada qaranka loo maro jid caddaalad ah oo shirkaduhu ku wada qancaan oo xalaal ah.

Tallaabadaas oo ah siyaadda madaxweynaha qaranka Muuse Biixi Cabdi, annaga oo fulinayna waxaan markii ugu horraysay dib u habayn ku samaynay hannaankii qandaraasyada loogu tartami jiray ee shirkaduhu u soo gudbin jireen nooca qandaraas ee lagu tartamayo, qandasaarka ay wadato shirkad waliba, taas oo markii hore inta sanduuq lagu rido muddo iskaga jiri jirtay oo aanay shirkadina shirkad kale ogayn waxay soo gudbisatay ee ay ku kala duwan yihiin iyo waxay ku hadhay ama ku guulaysatay, markay muddo ka soo wareegtana shirkad ayunbaa lagu dhawaaqi jiray, qorshahaasi wuxuu noola muuqday oo aanu u aragnay mid aan lagu qanci karin oo shaki abuuri kara, waxaanu samaynay hannaan ka duwan oo ah maalinta tartanka qandaraaska la soo naadiyay la qabanayo in aanu shirkadaha oo wada jooga mid waliba ay ku dhawaaqdo oo ay akhrido faylka ay ku tartamayso iyada oo inta kalena ay wada maqlayaan, markaa ka dib ayaanu faylkaasi annaga gacantayada soo galaa.

Waxa kale oo aanu samaynay in tartanka qandaraas ee tusaale ahaan Hargeysa laga doonayo in laga fuliyo in dhammaan shirkadaha ay qusayso ee tartankaa ka qayb qaadan kara ee dalka oo dhan ku sugani in ay mar ka wada qayb qaadan karaan oo aanu jirin tartan qandaraas oo gobol ama shirkado gobol u xidhan.”

Guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay in gudida qandaraasyada qaranku ay u xil saaran tahay qandaraasyada dawladda dhexe oo keliya iyo in kuwa dawladaha hoosena ay shaqadooda ku jiraan, ayaa yidhi. “Waa su’aal aad u wanaagsan oo dadka in loo iftiimiyana ku habboon. Horta qaranku waa mid keliya, dawladaha hoosena waxay ka mid yihiin qaranka, gudida qandaraasyada qarankuna waxay u xil saaran yihiin dhammaan wixii qandaraas ah ee dawladdu soo iibsanayso ama sii iibinayso. Hadday dawladaha hoose yihiin iyo hadday dawladda dhexe ay tahayba.

Markii hore gudida qandaraasyada qaranka waxaa dabrayay xeer ay ku shaqeeyaan muu jirin, haddii aanay hay’addu xeer lahayna awood badan ma laha, laakiin imika waxaa jira xeer labada gole ee guurtida iyo wakiiladuba ay ansixiyeen oo ah xeerkii aanu ku shaqayn lahayn ee guddida qandaraasyada qaranka, waanan uga mahad celinayaa labada goleba. Xeerkaasina waxaa loo gudbiyay oo uu hadda hor yaallaa madaxweynaha, marka xeerkaasi uu dhaqan galo ee madaxweynuhu uu saxeexo, qandaraasyada dawladaha hoosena shaqadayada ayay ku jiraan oo qandaraas qaran oo aan halkan soo marin dalka lagama qaban doono. Qarankuna mid keliya weeye, wax kala saaraya dawladaha hoose iyo qaranka intiisa kalena ma jiro, marka xeerkaa madaxweynuhu noo dhqan geliyana shaqadayada aanu qaranka uga masuulka nahay oo ah qandaraasyada heer qaran, heer gobol iyo heer degmoba si hufan ayaanu u gudan doonaa.”

Guddoomiyaha oo la waydiiyay halka ay guddi ahaan higsanayaan ee ay la doonayaan in ay gaadhsiiyaan qandaraasyada qaranka, ayaa yidhi. “Horta halkaanu ka soo bilawnay ee shaqada aanu ugu nimi kana soo qaadnay maalin kasta bulshada waanu u soo bandhignaa, imikana waxaanu maraynaa in marka shirkaduhu ay tartamayaan in aanay jirin fayl aan la ogayn oo ay sanduuq ku ridaan, iyada oo la wada maqlayo ayay shirkad waliba waxeeda ku dhawaaqdaa, waxaana meesha ka baxay sanduuqii faylka lagu ridayay iyo shirkaddii la iskaga dhawaaqayay.

Waxa kale oo aanu imika wadnaa barnaamij la yidhaahdo E –Tender oo qofka oo Ceerigaabo jooga ama Saylac jooga, shirkaddiisu halkaa tartanka ka soo gasho oo uu si fudud moobilkiisa uga heli karo dhammaan macluumaadka tartanka lagu tartamayo, isla markaana wuxuu ku tartamayo isaguna uu si fudud halkaa uga soo diri karo, oo shirkadda oo aan cid soo diran ama aan qarash soo gelin oo halkeeda joogta ayaa dhammaan macluumaadka mobilkiisa uu ka helayaa, isla markaana wuxuu ku tartamayo isla E-Tender-ka ayuu noogu soo dirayaa. Waana yoolka mustaqbaka dhaw aanu doonayno in aanu ku tallaabsano oo ah mid aanu ku horumarinayno shaqada aanu qaranka u hayno iyo in hal qandaraas dalka oo dhan laga wada qayb qaadan karo.

Waxa kale oo noo qorshaysan in aanu kor u sii qaadno adeega aanu qaranka u hayno oo aanu gaadhsiino heer caalami ah, oo qandaraasyada qaranku ay noqdaan wax sumcad caalamka uga soo jiida Somaliland iyo hannaanka loogu tartamo oo noqda mid la wada leeyahay.”

Guddoomiyaha oo la waydiiyay wuxuu kaga jawaabayo cabasho inta badan ka timaadda shirkadaha gobolada aan Maroodijeex ahayn oo ku dooda in qandaraasyada qaranku ay shirkadaha Hargeysa soo dhaafi waayeen, ayaa yidhi. “Horta ma jiro wax tartan qandaraas qaran ah oo la qabanayo ku koobaya gobolka ama deegaanka laga fulinayo shirkadaha ka shaqeeya oo keliya, qandaraas qaran oo kasta oo la qabanayo waxaa uu u furan yahay dhammaan shirkadaha dalka ee uu quseeyo oo dhan, gobol kasta ha joogaane markii horena sidaas ayay ahayn. Laakiin dhibaatada jirtay waxay ahayd shaqada guddida qandaraasyada qaranka ayaa iskaba koobnayd. Markii aanu xafiiska nimi ee madaxweyanaha qaranku na magacaabay waxaanu samaynay wabsayt la yidhaahdo Somaliland Tender boodh oo dhammaan daafaha caalamka oo dhan laga lawada soconayo shaqo kasta oo aanu qabanayno, si fududna looga ogaan karo.

Markaa waxaa meesha ka baxday warku nama soo gaadho cabashadii ahayd imikana tartanka aanu Burco ka qabanayno ee wasaaradda Beeruhu ay beeraha ku qodayso, waxaa ka qayb gelaya dhammaan shirkadaha dalka gobol kasta oo ay ku sugan yihiin, waanu u furan yahay.”

Guddoomiyaha oo ugu dambayn la waydiiyay shuruudaha laga rabo shirkadaha u tartamaya qandaraas qaran in ay buuxiyaan iyo in tartanku u wada furan yahay shirkadaha waddaniga ah iyo kuwa ajaanibka ah ayaa ku jawaabay. “Horta mid way reebban tahay oo waxaanu fulinaynaa siyaasadda madaxweynaha ee ah shaqo qof muwaadin ahi qaban karo in aan ajaanib la siin Karin.

Markaa qandaraas shirkad waddani ahi ay qaban karto shirkad ajaanib ah lama siinayo oo way ka reebban tahay, waana siyaasad guud oo qaranku qaatay oo madaxweyne Muusena nagu hoggaaminayo in kor loo qaado shaqo abuurka muwaadiniinta, waxa keliya ee shirkadaha ajaanibka ahi ay u tartami karaanna waa wax ka wayn shaqada ay shirkadaha dalku qaban karaan, shirkadaha waddaniga ahna labada shuruudood ee ugu waawayn ee laga rabo qandaraasna ay ugu tartami karaan waxay kala yihiin in shiraddu ay tahay cashuur bixiye dalka dakhli ku soo kordhiya iyo in ay leedahay liisan sharci oo ay ku diiwaan gashan tahay, waxaana reebban in qandaraas ay u tartanto iskaba dhaaf in la siiyo e shirkad aan cashuur bixiye ayayn.

Waxa kale oo looga baahan yahay in ay tahay shirkad xarun leh oo hanti leh oo shaqaynaysa oo aanay ahaanin mid laabtoob uun lagu sito.” ayuu yidhi guddoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka Somaliland Nuux Maxamed Xuseen oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan.

 

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada