Guddoomiyaha Sanaag oo ka Hadlay Xaaladda Ammaanka Gobolka
Dawan News
Smiley face
September 13th, 2018
Guddoomiyaha Sanaag oo ka Hadlay Xaaladda Ammaanka Gobolka

Ceerigaabo (Dawan)- Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), ayaa ka hadlay xaaladda nabadgelyada iyo ammaanka ee muddooyinkii u dambeeyay iyo guud ahaan xaaladda gobolku ku sugan yahay, sidoo kalena waxa uu faahfaahin ka bixiyay mashaariicda horumarineed ee soo gaadhay gobolkaas.

Badhasaabka gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), waxa uu sheegay in ammaanka iyo xaaladda nabadgelyo ee guud ahaan gobolku ay haatan xasiloontahay, isla markaana way hawlaha qaranku si fiican uga socdaan deegaanka gobolka iyo magaalada xarunta u ah ee Ceerigaabo.

Maxamed Tiimbaro waxa uu sidaasi ku sheegay hadal uu ka jeediyay madal lagu soo dhawaynayhay wefti ballaadhan oo ka tirsan xukuumadda Somaliland oo uu hoggaaminayay wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka, kuwaasi oo socdaal shaqo ku tagay magaalada Ceeribaabo.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag oo arrimahaasi ka hadlayayna ugu horrayn waxa uu yidhi “Weftiga ay hoggaaminayaan wasiirka caafimaadka Somaliland waxaan leeyahay ku soo dhawaada gobolka Sanaag, ku soo dhawaada magaalada Ceerigaabo.

Mar haddii ay wefti noogu yimaadeen wasaaraddii caafimaadku waxaan filayaa iin aanu ka bogsan doono wixii yaraa ee jiray. Hawluhuna way iska badan yihiin, khayr baannu rajaynaynaa mudane wasiir.

Wasiir mashruucii ugu waynaa ee soo galay gobolka Sanaag waxaa ugu waynaa mashruucaa waddada, mashruucii labaad ee kaa ku xigay ee gobolka soo galay ayaad hawshii maanta u socotaa, waxaanan leeyahay Illaahay ha idin ku garab galo.”

Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro isaga oo ka hadlayay xaaladda nabadgelyada gobolka Sanaag waxa uu yidhi “Xaaladda gobolka Sanaag, hadda aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay, ammaanka iyo nabadgelyaduna way noo xasisha, waxaan leeyahay ILLAAHAY ha noogu wado, hawlaha iyo shaqadiina si fiican ayay uga socdaan. Iimo yar yar oo nagu xaman jirayna waanu soo afjaraynaa illa berry, goob joogna waad u ahaan bilawga soo afjaristeeda.”

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada