Wasaaradda Hawlaha Guud oo Wadda Qorshe lagu Nidaaminayo Magaalada Ceerigaabo
Dawan News
Smiley face
September 13th, 2018
Wasaaradda Hawlaha Guud oo Wadda Qorshe lagu Nidaaminayo Magaalada Ceerigaabo

Ceerigaabo (Dawan) Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guriyeynta Somaliland, mudane Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qanbi, ayaa ka hadlay qorsheyn ay ka sameyn doonaan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Wasiirku waxa uu sheegay in kharashaadka lagu fulinayo hawl-galka qorsheynta magaaladani Ceerigaabo ay ku dareen miisaaniyadda wasaaraddaas hawlaha guud, dhulka iyo guryaynta Somaliland.

Cabdirashiid Ducaale Qambi, waxa uu sidaasi ka sheegay madal uu kula kulmay masuuliyinta gobolka Sanaag, gaar ahaan maamulka degmada Ceerigaabo.

Wasiirka hawlaha guud oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Hawshan aanu gobolka ka wadney ee ah hawsha ma guurtadda ee qaranka, oo guud ahaan waddanka oo dhan ka socota oo aan uga mahad cellinayo maayirka iyo badhasaabka, halkan waxaan ka ballan qaadayaa oo aan maayirka magaalada u sheegayaa in sannadkan bajadka wasaaradda aanu galineyno mashruuc weyn oo ah qorsheynta magaalada Ceerigaabo, oo imika afartan billood ee sannadka ka hadhay aanu diyaarineyno waan ballanqaadaya markii horena waa ay noo qorsheysneyd waxaanu ka codsaneynaa inay nagu kaalmeeyeen hawshayadda waxaa ka dhiman”

Maayirka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo isna goobtaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay inay baahi weyn u qabaan qorsheynta magaalada waxaanu yidhi “Saacatul wasiir waxaanu kaa dooneynaa qorsheyntii magaalada dhexdeeda Insha Allah hadii Illaahey qadaro si wanaagsan ayaynu uga balameynaa, aad iyo aad ayay baahi noogu heysaa, dhulkii markii wadanku burburay meel walba waala xeertay oo si qaab daran ayaa loo degay arrintaasina waxaa ay u baahan tahay in wax laga qabto, mustaqbalka magaalada qorshuhuna waa mustaqbalkii magaalada arrintaasina waxaan kaa codsanayaa wasiir inaad wax nagala qaban doono”

Badhasaabka gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Tiinbaro ayaa faahfaahin ka bixiyay baahiyaha ugu badan ee uu qabo gobolku waxaanu yidhi “Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag wax qorsheyna malaha wasiir, halka dadku 2018 ka marayo anagu waxaanu joognaa 1991-kii, hantidda ma guuraanka ahina aad iyo aad ayay ugu badan tahay gobolkani, siiba wasaaradda ganacsiga beenyadiibaa jirtayo, wakaaladdo badan ayaa meeshan ooli jiray, guryahoodii qaar dad iskood u dhisteen iyo qaar iska dumayba, aad iyo aad ayay u dayacan yihiin, imika saddex wasaaraddood oo leysku daray midna xafiis malaha, ganacsigii, dalxiiskii, iyo warshadihii, waraaqaha markay saxeexayaan ee aanu weydiino halkay ku kulmaan waxaa ay kuu sheegayaan inay suuqa uun ay iska helaan, xataa goob ay mushaharka ku kala qaataan malaha, wasaaraddiii diinta iyo awqaafta la mida tii boosaha ayaa la mida, 7 wasaaraddood oo kaliya ayaa leh xafiisyo caadi u shaqeeyaa, markaa bal sidii wasaaradd waliba ay u dhisan laheyd ama xafiisyadeedii hore dunsana ama imikaba qaar cusub u dhisan laheyd bal inaad ka hawlgashaan”

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada