Wasiirka Shaqo Gelinta Somaliland oo Farriin u Dirtay Golayaasha Qaranka
Dawan News
Smiley face
September 13th, 2018
Wasiirka Shaqo Gelinta Somaliland oo Farriin u Dirtay Golayaasha Qaranka

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani ayaa madaxweynaha qaranka Somaliland iyo labada gole qaran ee guurtida iyo wakiilladda uga mahad celisay ansixinta xeerka tacadiga ama ilaalinta jinsiga.

Wasiirku waxaa ay sheegtay in xeerkani uu dhammaan ka dhaqan-geli doono maxkamaddaha Somaliland , laguna xukumi doono qof kasta oo haweenka u geysta dhibaato dhanka jinsiga ah.

Wasiir Hinda oo arrintaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland iyo labada gole ee guurtidda iyo wakiiladdaba waxaan uga mahad celinayaa dhammeystirka, aqbaalada iyo ogolaashaha loo jideeyay in lagu ilaaliyo xuquuqda dhammaan tacadiyadda oo dhan, gaar ahaan ta siyaabaha kale u dhacde. Taasi oo lagu xadiday oo xeer ciqaabeed loogu sameeyay X/NO/78 /2018.

Waxaan u mahad celinaya golayaasha qaranka kuwaasi oo muddo dheer soo lafa gurayay xeerka tacadiyadda haweenka iyo inta awoodoodu hooseyso, xeerkaasi oo ah xeerka xadida jinsiga amase xuquuqda jinsiga, anaga oo magaca haweenka Somaliland ku hadlaya aan u mahad celinayaa madaxweynaha qaranka Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, oo xeerkani meel mariyay 25/8/2018-ka madaxweyne Illaahey miisanka xasanaadka hakuugu daro waayo waxaad ilaalisay intan aad masuulka ka tahay intii ugu nugleyd”

Wasiir Hinda ayaa ka warantay xaflad ay wasaaraddu qabanqaabadeeda gacanta ku heyso laguna soo bandhigi doono faa’idada uu xeerkani leeyahay haweenka waxaanay tidhi “Dhab ahaan waxaa aan rajeynayaa in xeerkani uu ka dhaqangalo dhammaan maxkamadda uu qarankani leeyahay, waxaanan hawl wadeenada wasaaraddayda u soo jeedinayaa si kasta oo ay ku suuragaleyso in la qabto xaflad balaadhan oo lagu soo bandhigay xeerkani.”

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada