Wasiir Abokor oo Jawaab Adag ka Bixiyay        Hadal ka soo Yeedhay Dhiggiisa Soomaaliya     Kana Hadlay Qorshaha dib u Dhiska Madaarada
Dawan News
Smiley face
September 19th, 2018
Wasiir Abokor oo Jawaab Adag ka Bixiyay        Hadal ka soo Yeedhay Dhiggiisa Soomaaliya     Kana Hadlay Qorshaha dib u Dhiska Madaarada

 

Hargeysa (Dawan):- Wwasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland, Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeedhay wasiirka duulista dalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad, kaas oo sheegay in diyaarad aan ogolaansho ka haysan dawladda Muqdisho in aanay ka degi karin madaarrada Somaliland oo uu tilmaamay in ay ka mid yihiin kuwa Soomaaliya.

Wasiirka duulista Soomaaliya oo shalay u warramay VOA-Somali, waxa kale oo uu ka been sheegay heshiiska Somaliland, Soomaaliya iyo Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan duulimaadyada ee ICAO. Heshiiskaasi wada jirka ahaa ee ay ku gaadheen dalka Turkiga oo uu ka dhigay in ICAO ku wareejisay hawada Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxa kale oo uu wasiir Cabdillaahi Abokor si cad u faah faahiyay xarunta diyaaradaha laga hago ee Muqdisho laga furay waxa ay tahay iyo cidda gacanta ku haysa iyo in ay hawshiisii socoto xarun kale oo laga furayo madaarka caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa. Iyada oo labada xarumood ba ay ku jireen heshiis saddex geesood ahaa oo Turkiga lagu gaadhay.

Wasiir Abokor. waxa kale oo uu ka hadlay dib u dhiska madaarrada dalka, isaga oo sheegay in ay hadda wadaan qorshe madaarrada dalka dib u dhis iyo ka shaqaysiin lagaga hir gelinayo.

Wasiirku sidoo kale waxa uu ka hadlay summadda cusub ee gaadiidka Somaliland ee ay dhawaan soo bandhigeen.

Wasiirka, ayaa sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xafiiskiisa ku siiyay wargayska Dawan.

Ugu horrayn wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay hadalka uu VOA-Somali ka sheegay wasiirka duulista Soomaaliya ee ahaa in diyaarad aan Muqdisho ruqsad ka haysani aanay ka degi karin madaarrada Somaliland, ayaa yidhi “Horta marka hadalka aan loo meel deyin wax kasta waa la iska odhan karaa, laakiin hadalka iyo xaqiiqada jirta marka ay kala laba yihiin waa sida wasiirka duulista Soomaaliya.

Waxa uu sheegay oo kale, Somaliland iyo Soomaaliya waa kala laba dal oo aan isku qaldami karayn, maantana caalamka muran kagama jiro in Somaliand iyo Soomaaliya ay laba dal iyo laba dawladood kala yihiin.

Wasiir Soomaaliya ah iyo madaxweyne Soomaaliya ah midna Somaliland loogama soo fasax qaadanayo, kamana talin karaan gayiga Somaliland, dhul cir iyo bad midnaba. Balse qofku wuxuu doono wuu iska sheegan karaa, waxayse xaqiiqadu tahay ninka aan xukumin madaarka Xamar ee uu ka dhoofo, Somaliland hawadeeda in uu ka hadlaa waa riyo, isaga ayaan ammaankiisa masuul ka ahayn oo AMISOM ay waardiyaysaa ku ilaalisaa.

Markaa ninka isaga naftiisa midawga Afrika uu ammaankiisa ku sugo caasimadda uu dawladda ka yahay meel kale wuxuu la gaadhi karo ayaan jirinba.

Somaliland diyaaradaha dalkeeda ka hawl gala iyada ayaa u madax bannaan, ruqsadaha ay dalkeeda ku imanayaanna iyada ayaa siinaysa, la yaabna naguma aha hadalka wasiirku oo horeba iska sheegasahda way u wadeen.”

Wasiirka oo la waydiiyay in maamulkii hawada Somaliland iyo Soomaaliya in lagu wareejiyay Soomaaliya oo Xamar loo raray iyo nooca kulanka wasiirka Soomaaliya iyo ICAO wada yeesheen, ayaa ku jawaabay. “Horta waxaa jira heshiis ay Somaliland iyo Soomaaliya iyo hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan duulimaadyada ee ICAO ay Turkiga ku wada gaadheen oo ahaa in laba xarumood midna Xamar laga sameeyo midna Hargeysa laga sameeyo oo la qalabeeyo. Isla markaana labadaa xarumood laga hago diyaaradaha soo gala hawada Somaliland iyo Soomaaliya. Iyada oo ay gacanta ku hayso hay’adda ICAO.

Markaa xaruntii Muqdisho waa la furay, xaruntii Hargeysana hawsheeda ayaa socota oo aanu ka wada soconaa ICAO, kana wada shaqaynaynaa, laakiin arrintu maaha in hawadii Somaliland iyo Soomaaliya lagu wareejiyay dawladda Farmaajo oo ay ICAO meesha ka baxday.

ICAO ayaa gacanta ku haysa xaruntii, Hargeysana waa ka wada soconaa wax lacag ah oo hawada Somaliland ah oo dawladda Muqdisho ay ICAO ku wareejinaysaana ma jirto.

Shirka uu ka qayn galayna waannu la soconay oo ICAO waanu ka xidhiidhnay. Iyada oo aanay Somaliland iyo Soomaaliya iyo ICAO arrinta hawada heshiis ka wada gaadhinna cidna laguma wareejinayo, cid lacag gaar loo siinayaana ma jirto, laakiin haddii hadal iyo male awaal riyo ah ay madaxda Soomaaliya nolol ka dhiganayso oo ay intaa culayska saaran iskaga dejinayaan, dee ha iska hadlaan, berrina waxaynu arki doonaa iyaga oo dalal kale sheeganaya in ay ka mid yihiin.”

Wasiirka oo wax laga waydiiyay summadda cusub ee gaadiidka ee ay soo saareen oo qiimaheeda aad loo hadal hayo, ayaa yidhi. “Horta ka wasaarad ahaan annagu waxaanu qaabilsannahay samaynta iyo soo saarista iyo nashqadaynta summadda gaadiidak, laakiin wixii tacriifad ah oo lacag la xidhiidha waxaa ka masuul ah wasaaradda maaliyadda.

Arrintaa ciddii dood ka qabtaana, wasaaradda maaliyadda ayay wax kawaydiin kartaa, laakiin ka wasaarad ahaan waxaanu soo saarnay summad gaadiidka dhulka ah oo qaran oo arrimo badan awgood dalka iyo dadka gaadiidka leh ba wax tar u ah.

Dhimaca kale, qiimaha ayaa laga hadlayay, laakiin markaad eegto dalalka aynu deriska nahay, iyada oo la kordhiyay lacagta bilaydhka baabuurta, haddana wali Somaliland waa dalka ugu jaban dalalka geeska Afrika oo dhan.

Waxa kale oo iyana jirta in aan dalna isku bixin karin cashuurta laga qaado wixii dhoofaya ama soo degaya. Markaa xukuumaddayadu waxay awoodda saaraysaa in la xoojiyo in dakhli badani qaranka uga soo xeroodo cashuuraba berriga.”

Wasiirka oo la waydiiyay sababta ay uga shaqaysiin waayeen madaarrada dalka ee shaqadii garoomada oo dhan ku soo koobay madaarka Cigaal, ayaa ku jawaabay. “Horta waa run oo madaarrada dalku ma wada shaqeeyaan, laakiin qorshahoodii waanu wadnaa oo imika waxaanu dhammaystirnay hannaankii dib loogu dhisi lahaa garoonka diyaaradaha ee Burco. Waxa keliya ee hadda noo hadhayna waa in la baadi doono dhaqaalihii lagu ballaadhin lahaa.

Waxaa kale oo aannu wadnaa in madaarada Boorama iyo Ceerigaabo in dib u habayn lagu sameeyo oo ay shaqo galaan, madaarka Laascaanood na haddaba wuu shaqeeyaa.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray. “Ka xukuumad ahaan waxaanu cullayska saarnay in aanu dib u bilawno waddada Ceerigaabo oo dalka muhiimad wayn u leh isku xidhnaantiisa iyo kor u qaadista adeegyada bulshada iyo koboca dhaqaalahaba.

Marka aannu waddadaa ka soo jeesano, waxaan ku rejo waynahay in aanu madaarrada dalkana wax wayn ka qaban doono.”

Dhinaca kale, wasiirka oo xog warran siinayay guddida joogta ah ee golaha guurida Somaliland isla shalay, ayaa ka hadlay waxyaabaha u qabsoomay muddadii uu xilka hayay iyo tallaabooyinka ay qaadeen, waxaanu yidhi “Mudadii aannu xilka heynay waxyaabo badan ayaa noo qabsoomay. Wax kasta oo la qabanayaana caqabadeeda ayay leeyihiin.

Illaa 17-hawlood ayaa noo qabsoomay oo ay ugu horreyso inaanu dib u bilawnay 18/2/2018 dhismaha jidka waddada Ceerigaabo, waxaanu dayactir joogta ah ku heynaa waddooyinka waaweyn ee halbowlaha u ah isu socodka gaadiidka.

Dalkeennu waa 23-degmo doorasho, marka kuwa rasmiga ah laga hadlayo 23 degmo 7 ka mid ah ayuun bay waddooyinku maraan. Waddooyinkeenuna waa waddooyin gaboobay oo 40-jira ah, dayactir joogta ah, imika waxaanu dayactirnay wadada Hargeysa iyo Macaaneeye oo markii labaad aanu gacanta ku heyno, Hargeysa Kalabeydh, Laascaanood illaa Tuka-raq.

Sidoo kale waxaanu wax weyn ka qabanay duufaantii Sagar dhulkii ay saameynta ku yeelatay ee ay wax gaadhsiisay illaa Fardo lagu xidh”

Wasiir Cabdillaahi, ayaa intaa raaciyay “Waxa kale oo aanu soo kordhinay nidaam diiwaangelinta gaadiidka dawladda ah oo imika aanu dhammeystirnay, oo kalfadhigii 20-naad ee golaha wasiiradda aanu ku ansixinay siyaasaddii lagu maamulayay gaadiidka dawladda, waxaa kale oo noo qabsoomay sida uu qoraayo xeerka wada maristu ee 56 qodobkiisa 48-naad farqadiisa 1.2.4 ee aad ansixiseen 2013-kii waxaanu bedelnay summadii gaadiidka dawladda, annaga oo raaceyna habraaca ku xusan xeerkaasi, sidii wax looga qaban lahaa liisamada gaadiidka iyo sidii wax looga qaban lahaa liisamada gaadiidka oo iyaga laf ahaantoodu muddo aan la bixin sababo la xidhiidha xaga bad-qabkooda oo la (Fooljariyeeyay, ama la isdabamariyay) markaa 17 mashruuc ayaa noo suuragalay mudada 8-da bilood ah ee aanu xilka wasaaradda heynay”

Dhanka kale wasiirku waxaa uu shaaca ka qaaday inay gacanta ku hayaan kuna hawlan yihiin hirgalinta siyaasaddii guud ee gaadiidka qaranka waxaanu yidhi “Waxaanu ku hawlanahay in la sameeyo siyaasaddii guud ee gaadiidka qaranka waxaanu soo dedejinay siyaasaddii gaadiidka dawladda, gaadiidka dawladda marka la iibinayo nidaam dayacan ayaa lagu iibin jiray, oo gaadhiba gaadhiga uu ka xun yahay ayaa dawladda laga iibin jiray, nidaam aad u hooseeya ayuu ahaa markaa markii aanu aragnay baahida jirta ayaanu siyaasaddan abuurnay, markaa waxaa dhici doonta in gaadhi kasta oo dawladda loo iibinayaa uu noqdo ka ugu wanaagsan”

 

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada