Xukuumadda oo Faahfaahisay Tiradda Ardayda Lagu Bilaabayo Barnaamijka Shaqo Qaran iyo Faa’iidooyinkiisa
Dawan News
Smiley face
October 8th, 2018
Xukuumadda oo Faahfaahisay Tiradda Ardayda Lagu Bilaabayo Barnaamijka Shaqo Qaran iyo Faa’iidooyinkiisa

Hargeysa (Dawan)- Agaasimaha guud ee barnaamijka shaqo qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), ayaa faahfaahiyey in barnaamijka shaqo qaran lagu bilaabi doono dufcadiisa koowaad kun wiil iyo shan boqol oo hablood oo ka baxay jaamacadaha dalka, kuwaasi oo muddo saddex bilood ah la xarayn doono, si looga soo dhiso waayo-aragnimadooda la xidhiidha Waddaniyada iyo taariikhda, dhaqanka iyo barashada khayraadka dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Agaasime Maxamed Xuseen wuxuu tafaasiil ka bixiyey faa’iidooyinka ardayda soo marta barnaamijka shaqo qaran ay ku yeelan doonaan siyaasadda xukuumadda ee ku wajahan shaqaaleysiinta iyo deeqaha waxbarashada dibadda.

Agaasimaha guud ee barnaamijka shaqo qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), wuxuu sidaas ku sheegay waraysi uu siiyey Wargeyska Dawan, waxaannu ku ammaanay madaxweyne Muuse Biixi oo hindisay fikirka barnaamijkan oo waxtar u leh dalka, waxaannu yidhi; “Barnaamijka shaqo qaran waa barnaamij hindisihiisu uu ka yimmi madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaannu u xilsaaray shan wasiir oo kala ah, arrimaha gudaha, shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada, waxbarashada, maaliyadda iyo gaashaan dhigga.

Muddo ayaa laga soo shaqaynayey barnaamijkani sida uu u eekaanayo, mana aha wax cusub oo aynu innagu bilownay, ee dalal badan ayaa leh oo marka ardaygu dhammaysto waxbarashada jaamacadda uu galaa shaqo qaran.

Markaa dalalkaas qaarkood in uu ardaygu galo shaqo qaran waa khasab. Tusaale ahaan Israa’iil oo kale, Singabuur, Malaysia, iyo Ghana, way leeyihiin dalalkaasi oo dhammi. Markaa dalalkaas qaarkood waxay xoojiyaan dhinaca millatariga oo waxay u tababaraan in uu noqdo qof barta waxyaabihii muhiimka u ahaa arrimaha difaaca iyo ciidannimada.”

Maxamed Mu’adin, waxa kaloo uu intaasi ku daray; “Innaga Somaliland ahaan, barnaakijkeenu wuu ka dawan yahay dalalkaas aynu sheegnay, waana mid ikhtiyaari ah oo qofka dookhiisa ayay ku xidhan tahay.

Ardayda jaamacadaha ka soo baxda ee dalku way faro-badan yihiin oo lama wada xarayn karo, dhaqaale badanna looma hayo. Laakiin markan ugu horraysa waxaa la xaraynayaa kun wiil iyo shan boqol oo hablood.

Kunkan wiil waxaa la isugu geynayaa oo lagu xaraynayaa goob gaar ah, waxaana lagu tababarayaa waxyaabo badan oo ka maqan da’yarteenna dambe. Sida la ogyahay dhallinyaradeena waxaa laga yaabaa in nin waliba magaaladii uu degenaa ee uu iskuulka ka galay in uu kaga baxay jaamacadda, waxaa laga yaabaa in aanu wada aqoonba magaalada uu degen yahay.

Markaa waxaa loo baahan yahay bulshadeenna in la is dhex geliyo oo ay is arkaan dhallinyarada isku da’da ah ee isku jiilka ah, markaa arrintani waxay faa’iidaynaysaa in ay dhallinyaradu is barato oo ay is dhex galaan.

Sababta oo ah sida aad ogtahay dadkeeni hore ee soo gaadhay iskuuladdii boodhinka ahaa ee magaalooyinka Sheekh, Cammuud, Cadaadlay iyo Oodweyne, waxaanad arkaysaa qof ku odhanaya hebel isku boodhin ayaanu ahayn, sidaas ayayna u socotaa saaxiibtinimadoodii iyaga oo dad waaweyn ah.

Marka uu qofku barto bulsho kala duwan oo badan, qofku waxa uu ogaanayaa in ay jiraan bulsho kale oo aan ahayn intan uu ku garaadsaday ee uu yaqaano. Markaa meelaha ay bulshadu isku barato ee ay isku dhex gasho weeyaan.”

Agaasimuhu wuxuu sheegay in barnaamijkan lagu barayo dhallinyaradan la xaraynayo arrimo door ah oo ay ka mid tahay waddaniyada iyo xirfado kala duwan oo badan, waxaannu yidhi; “Muddo saddex bilood ah ayaa la damacsan yahay in kunkaa wiil la xareeyo, waxaana lagu tababarayaa in ay waddaniyada bartaan. waxa laga yaabaa in aanay aqoon badan u lahayn taariikhda dalka iyada oo qofku yahay dhakhtar ama ingineer ama aqoon kaleba bartay, haddana aanu aqoon u lahayn taariikhda dalkani leeyahay iyo halgannadii badnaa ee loo soo maray.

Dhallinyarada qaarkood ayay sheeko ku tahay taariikhdii ay Somaliland soo martay. Waxa laga yaabaa xitaa juquraafi ahaan in aanay garanayn dhallinyaradu, gobollo way maqlaan laakiin dhallinyaradu inta badan ma yaqaanaan juquraafi ahaan khayraadka dalka iyo sida ay kala yihiin.”

“Haddii aad hadda waydiiso qof dhallinyaro ah dhererka xeebteena waxa laga yaabaa in aanu garanayn. Waxa kaloo ka mid ah in la dhiso waddaniyada qofka iyo dal jacaylkii, oo ka maydhaysa waxay hadda dadku ku barbaaraan ee qabyaalada iyo waxa la mid ah, markaa in qofka la baro waddaniyada, la baro nidaamka dowliga ahi sida uu u shaqeeyo oo ay ka mid tahay waaxyaha qaranka waajibaadkooda iyo shaqooyinka ay kala qabtaan, doorka madaxdhaqameedka iyo axsaabta qaranka iyo arrimo kale oo door ah,”ayuu yidhi Agaasime Maxamed Xuseen.

Agaasimaha guud ee barnaamijka shaqo qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka) waxa uu ka hadlay faa’iidooyinka barnaamijkani u leeyahay dhalinyarada dalka iyo guud ahaan qaranka Somaliland, waxaanu yidhi “Muddo saddex bilood ah ayay ku jirayaan tababarkaas, intaasi kadibna waxaa u diyaar ah in la kala qaybiyo oo ciddii saraakiil ciidan gelaysa, ciddii wasaaradaha gelaya, halkaas ayey marayaan.

Dhinaca waxbarashada waxaa mudnaanta koowaad yeelanaya ardayda soo martay barnaamijkan shaqo qaran. Tusaale ahaan deeqaha waxbarasho ee aynu helno waxa ahmiyadda yeelanaya ciddii soo martay shaqo qaran.

Markaa waxay noqonaysaa albaabka laga soo galo shaqaalaysiinta dowladda, markii horeba waa la qori jiray shaqaalaha, laakiin hadda waxay noqonaysaa meel qofkii oo la soo dhisay shaqsiyaddiisii iyo waddaniyadiisii in uu shaqada dowladda halkaas ka galo, isaga oo ka fahmad badan sidoo hore oo garan kara waajibaadkiisa iyo xuquuqihiisa oo wax maamuli karaya.

Dhinaca kale, waxay faa’iido u leedahay dhinicii caddaaladda shaqo qorista, sababta oo ah gobol kastaaba waxa uu yeelan doonaa qoondo, imtixaan guud ayaa la qaadi doonaa, gobol kastana tirada uu leeyahay ayaa ku soo tartamaysa, markaa waxa isu imanaya Somaliland oo dhan oo si xaqsoor ah ku yimmi, hadhow na waxay noqonayaa saraakiil iyo shaqaale dowladeed.”

Muddadaa la tababarayo gudaheeda,waxa barbar soconaya in la raadiyo dhaqaalihii lagu qaban lahaa hawshii jihaynta, si dhallinyaradaas loogu jeediyo dhinaca wax soo saarka beeraha, kalluumaysiga iyo wixii la mid ah.

Xafiiskan la ii magacaabay wuxuu noqonayaa xafiis madax bannaan oo xidhiidhiya hawshan oo ah xafiis aan wasaarad hoos tegin, laakiin wuxuu yeelanayaa shantaas wasiir ayaa guddi ka noqonaya oo guddidii sare ee hoggaaminaysa noqon doonta, aniga iyo inta iga hoosaysaana waxa aanu u madax bannaanaanaynaa hawshii la qabanayay iyo fulinteeda, shantaas wasiirna waxay jaangoynayaan siyaasaddii lagu hagayay barnaamijkan shaqada qaranka, muddana way ka soo shaqaynayeen oo iyaga ayaa halkan soo gaadhsiiyay.

Manhaj ayaa loo samaynayaa aqoonta lagu tababarayo ardayda, waa arrin aad u ballaadhan oo faa’iido badan u leh dalkeenna,” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee barnaamijka shaqo qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka).

Maxamed Xuseen Cismaan oo ah siyaasi qunyar socod ah, wuxuu hore dalka uga soo qabtay Xoghayaha guud ee Golaha Wakiillada iyo Agaasimaha Fulinta Komishanka qaranka ee xakamaynta HIV/AIDS-ka. waxa uu guddoomiye ka soo qabtay jaamacadaha Alpha iyo Edna ee magaalada Hargeysa. Waxa kaloo uu ka mid ahaa dhallinyaradii mutacalimiinta ahayd ee ka qaybgalay halgankii dib u xoraynta dalka ee SNM hormuudka ka ahaa.

Dawannews Hargeysa office

112 total views, 1 views today

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada