Hay’ada Waddooyinka oo Howl-gal Jidad Bannayn ah ka Bilowday Hawdka Togdheer
Dawan News
Smiley face
October 10th, 2018
Hay’ada Waddooyinka oo Howl-gal Jidad Bannayn ah ka Bilowday Hawdka Togdheer

Burco (Dawan)- Maareeye ku xigeenka hay’ada waddooyinka Somaliland Mustafe Faarax Qalab oo ay weheliyaan masuuliyiin ka socday wasaaraada gaadiidka iyo wakaalada wadooyinka ayaa deegaanada ku teedsan hawdka gobolka Togdheer ka bilaabay olole lagu bannaynayo waddooyinka u dhexeeya degaanada hoosyimaada degmooyinka Balidhiig ilaa Qorilugud, iyo Balidhiig ilaa Qoryaale, iyada oo sidoo kale Serfay lagu qurxinayo bilicda magaalada ka dhexsaaray gudaha Balidhiig.

Maareeye ku xigeenka hayada wadooyinka Somaliland Mustafe Faarax Qalab oo ka warbixiyay shaqadan culus ee hayada wadooyinku ka bilowday wadooyinka hawdka Gobolka Togdheer ayaa yidhi “Anaga oo ka wakiila xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay mudane Muuse Biixi Cabdi waxaanu ka bilownay degmada Balidhiig Serfay gudaha ah oo magaalooyinka lagu magaalaynayo oo lagu qurxinayo, anagu cagafyo ku taageernay, shidaalkiibaanu ka taageernay, hawsha waxa barbartaagan oo nala qabtay Wasiirka gaadiidka iyo hurumarinta jidadka, iyo mareyaha hay;adda wadooyinka Somaliland.

Toban waddo oo dhawdhaw ayay hayada wadooyinku halkan wax ka qabatay oo ay ka mid tahay wadada ugu dheer ee 150km ah oo ka bilaabanta halkan aynu joogno (Balidhiig) ilaa iyo Qoryaale.”

Maareeyuhu isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi sii raaciyay “Maanta olole maaha, maanta midhihii baanu rabnaa inaanu bixino, tana uguma horeysee degmada (Balidhiig) waxbadan ayay dawladu insha allah usoo wadaa” Sida Waxa Yidhi Mareyexigenka Hayada Wadoyinka Mustafe Qalab.

Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha degmada Degmada Balidhiig Aadan Saalax Oo siweyn ugu mahadceliyay Hayada Wadooyinka Iyo Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Iyo Jidadka “Aadbaan ugu mahadcelinaynaa Hayada Horumarinta Wadooyinka iyo Gaadiidka, Hayadaasi waa hay,ad aanan marnaba ilaawo Karin wasiirkeeda iyo maareeyayaasheeda iyo shaqaale hoosaadkeedaba sababtoo ah wax xukuumad dhami qabato ayay noo qabatay, wadadaa aan ka qaadnay Balidhiig ee gaynay Qoryaale oo ay heshiis ku yihiin sadex Degmo(Balidhig, Warcibran iyo Qoryale) Hayada kaliya ee gacan naga siisay haday tahay Shiidaal iyo Gaadiidba Waa Hayada Wadooyinka” Sida Waxa Yidhi Gud:Balidhiig Aadan Salaax.

Xildhibaan Cabdirisaaq Aar Jaamac oo kamida xildhibanada Deeganka ee laga soo doortay Degmada Balidhiig Ayaa Isna Siweyn ugu Hayada Horumarinta Wadooyinka “Waxaan umahad naqaya Hayada wadooyinka oo uu inagala jooga Maareeye kuxigeenka Mustafe Qalab isgarabtaaga ay isgarabtaagen dadka reer balidhiig iyo shaqada fiican ee ay kala qabteen Surveyga Magaalada iyo banaynta wadooyinka” Xil: Cabrisaq Aar.

Shaqada culus ee Hayada horumarinta wadooyinku ay ku banaynayso Wadooyinka Hawdka Togdheer ayay siweyn usoo dhaweeyeen shacabweynaha ku nool Deegaanadaasi iyo darawiliinta gaadiidleyda u kala goosha deegaanadaasi.

Dawannews Hargeysa office

.

24 total views, 2 views today

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada