Xukuumadda oo Bilaabaysa Casriyeynta Nidaamka Mushahar Bixinta Shaqaalaha
Dawan News
Smiley face
October 10th, 2018
Xukuumadda oo Bilaabaysa Casriyeynta Nidaamka Mushahar Bixinta Shaqaalaha

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Somaliland, ayaa bilaabaysa qorshe carsiyeysan oo nidaamka mushahaar bixinta shaqaalaha dawladda loo sameyn doono, waxaana qof kasta oo shaqaale dawladdeed ah loo sameyn doona nidaam xisaabeed u gaar ah (personel account) kaasi oo shaqaale walba gaarkiisa looga sameyn doono baanka dhexe.

Guddoomiyaha hay’adda shaqalaha dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, xisaabiyaha guud ee qaranka Axmed Daa’uud Geedi iyo guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahin “Baqdaadi” iyo waliba agaasimaha guud ee baanka dhexe Axmed Xasan Carwo, ayaa kulan saddex geesood ah oo ay yeesheen, waxa iskula qaateen qorshaha bilowga casriyeynta nidaamka mushahar bixinta shaqaalaha dawladda, halkaas oo shaqaale walba loo samaynayo xisaab u gaar ah oo mushaharka loogu shubo.

Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo tafaasiil ka bixinaayey nidaamkani casriga ah waxana uu yidhi “Kulankan saddex geesood ah ee hay’adda shaqaalaha dawladda, baanka dhexe ee dawladda iyo xisaabiyaha guud ee qaranka ayaa la iskula qaatay bilowga casriyeynta nidaamka mushahar bixinta shaqaalaha dawladda, halkaas oo shaqaale walba loo samaynayo xisaab u gaar ah oo mushaharka loogu shubo.

Guddoomiyaha iyo agasimaha guud ee baanka dhexe ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid qaran ahaan u keenaysa sumcad wanaagsan sida oo kalena kor u qaadaysa dhaq-dhaqaaqii baanka dhexe iyaga oo dhanka kalena tilmaamay in ay xoog iyo xirfad ahaan ba diyaar u yihiin in ay shaqadaa qabtaan.

xisaabiyaha guud oo kulankan qayb ka ahaa ayaa xusay sida ay tallaabadani kor ugu qaadayso nidaamka la xisaabtanka isaga oo xusay in nidaamkani la dagaalami doono in mar dambe caagle ama qof aan jirin samaysmo, maadama qof walba account yeelanayo.

Dhinaca kale, guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowladda Sharmarke Axmed Muxumed Geele ayaa tafaasiil ka bixiyey daahfurka 954-ka shaqo ee wasaaradda waxbarashadda ka banaanaaday iyo kooxo ay u kala direen goboladda dalka oo xaaladda macalimiinta dugsiyadda dowladda ee dalka kormeer iyo u kuurgal ku soo sameyn doona.

Guddoomiyaha oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Kadib markii hay’adda shaqaalaha dowladdu joojisay 1,626 kaalmo shaqo oo ka soo baxay 41 xafiis oo dowladeed ayaa hay’adda shaqaalaha dowladdu bilowday hannaankii loo buuxin lahaa kaalmahaa shaqo ee soo banaanaaday. haddaba, hay’adda shaqaalahu iyada oo fulinaysa tallada Madaxweynaha sida oo kalena qiimaynaya duruufaha gaarka u ah wasaarada waxbarashada ee keeni kara in marka macalin shaqada ka tego lagu sii buuxiyo kaalintaa shaqo macalin buuxin kara kaalintaa

banaanatay ayaa la isla qaatay in degdeg loo shaqaaleeyo kaalmahaa shaqo ee kasoo baxay wasaaradda waxbarashada si aanay u kala go’in waxbarashadii ardayda dalku” ayuu yidhi mudane Geelle.

Guddoomiyaha ha’yadda shaqaalaha aaya sheegay in gobolada dalka ay ukala direen kooxo oo soo kormeeraya kun dugsi oo dowladdu leedahay , isaga oo arrinta ka hadlaaya waxa uu yidhi “Si taas looga jawaabo, waxa maanta (shalay) u kala baxay dhammaan gobolada iyo degmooyinka dalka wafti ka kooban hay’adda shaqaalaha iyo wasaaradda waxbarashada si loo soo kormeero in ka badan kun (1000) dugsi oo isugu jira hoose/dhexe iyo sare oo dowladdu leedahay sii loo soo hubiyo macalimiinta ku sugan ee dheef la’aanta ugu shaqeeya ardayda, tallaabadan ayaa u horseedi doonta macalimiin in badan rejo sugayaal ahayd in ay helaan fursad shaqaalayn hadii ay joogaan isla markaana buuxiyaan shuruudaha looga baahan yahay macalinka tolmoon”

Dawannews Hargeysa office

30 total views, 1 views today

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada