WEEDHA WARGEYSKA Isbaaro Ma Suurto Gelayso
Dawan News
Smiley face
October 20th, 2018
WEEDHA WARGEYSKA Isbaaro Ma Suurto Gelayso

‘Dawladnimadda malaha illaa hadda waxaynu u naqaanaa, hashii “Maandeeq” oo inta ay darartay caanaheedii la isku hayo.’

Dabadeed, keenna cadhoodda ee wax diida halkii aynu sharciga ka eegi lahayn ma sax baa mise waa khalad. Waxaa aynu u arkaynaa nin ka dhiidhiyay Caanno uu xaq u lahaa oo lagga qadiyay oo inuu dagaalamaa ay waajib tahay.

Waxaa Qallinku sidan u leeyahay, Todobaadkan waxaa aad loo hadal hayay, xubno bulshadda ka mid ah oo isu abaabulay siffo ka dhan ah nidaamka dawladnimo, Islamarkaana cadaystay in aanay u hoggaan sameyn sharcigga cashuur bixineed ee dalka. Dabadeed, loo dhaba-galay, intii la daba socday ee kiiskoodda la baadhayayna. Xubnahaasi, waxaa ay gaadheen inay iyaggu sheegtaan dawlad nimo gaar ah iyo inay qaadayaan cashuur. Xubnahan oo loo arkay in ay abuubulkoodda qayb ka yihiin cid gaar ah oo danno siyaasadeed oo qaranka lid ku ah lihi. Waxaa ay sheegeen inay Xaafadaha Hargeysa badhkood iyaggu dawlad ka yihiin oo isu doorteen hoggaan iyo maamul iyaggoon meella u soo marrin.

Muwaadinku dhalliil waa uu sheegi karraa, xaq buu u leeyahay inuu cabasho muujiyo, iyo inuu wax qabadka maamulka ama wax qabad la’aantiisa tilmaamo isaga oo aan xad gudbin. ka waran haddii aad addigu tidhaahdo sharciga gacantayadda ayaan ku qaadanayaa. Aan si kale u dhigno oo qofeyno dawladda. Dabcan, Dawladdu dhinaca sharciga waxaa ay leedahay shakhsiyad qaannuuni ah, shaqsiyaddaas aad ku dhex noo shahay lafteedda ayaad ka dacwoon kartaa, laakiin, waxaa ay leedahay hab-raac oo qof aad is af-dhaafteen tusaale ahaan inta aan Bud la boodo ama Rasaas inaad ku dhufato sharci umma lihid. Waxaad laakiin, heli kartaa hab aad uga dacwooto oo u caddayso xad-gudub haddii aad ka tirsatay. Xorriyaad aas-aasiga ah ee muwaadinka dastuurka Somaliland u damaanad qaaday ayaana kuwaas oo dawladda masuuliyadi ka saran tahay.

Aan soo qaadno qodobka 24-aad ee Dastuurka farqadiisa. “3. Dawladda ayaa muwaadiniinta u dammaanad qaadaysa xuquuqda iyo xorriyadaha. Xeer ayaa qeexaya ciqaabta ka dhalan karta ku xad gudubkooda.4. Dhammaan xorriyaadka qofka waxa shardi ah in ayna ka hor iman xeerarka anshaxa guud, xasiloonida dalka ama xuquuqda qofka kale” Sidoo kale, Xoriyadda waxaa ku lammaan waajibaad oo tusaale ahaan, QODOBKA 34 AAD ee Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaa ku cad waajibaadka muwaadinka iyo ciqaabta ka dhalanaysa haddii uu gudan waayo, waxaana ay u dhigan tahay sidan. “Muwaadin kasta waxa waajib ku ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka Qaranimada iyo difaaca dalka iyo dunta si waafaqsan xeerka.2. Qof kasta waxa ku waajib ah inuu xaq dhawro Dastuurka iyo xeerarka dalka.3. Qof kasta waxa ku waajib ah inuu si hagar la’aan ah u bixiyo cashuurta iyo takaaliifta kale ee xeerku waajibiyey.4. Qof kasta waxa waajib ka saaran yahay daryeelka, ilaalinta iyo badbaadada deegaanka.5. Xeerka ayaa caddeynaya ciqaabta ka dhalan karta gudasha la’aanta waajibaadka ku xusanfaqradda laad, 2aad, 3aad iyo 4aad”

Iyaddoo sharcigu sidaas u cadyahay ka waran haddaba, inta aad riyooto caawa haddaad qarranimaddiiba ka hor timaado oo isu aragto inaad adigu dawlad noqon karto. Waa arrin aan maan-gal ahayn, oo aan loo fadhiyin laakiin, waa ay dhacdday oo dad dhallinyaro u badan oo aan ogeyn dedaalka dheer ee loo soo maray dhismaha nidaamkan u saamaxay inay cabsi la’aan ku seexdaan, ku soo toosaan, wax ku bartaan, ku socdaallaan oo ku faanaan ayaa inta cid dan lihi soo dhexmartay isla soo taagay annagu xaafadayadda jidadkeedda waxaanu ka sameynaynaa Isbaarooyin. Xattaa markii Somaliland dhalatay 1991-kii. Xaafadaha Hargeysa looma kala abtirin oo cidi xaafad gaar ahi ma odhan waxaanu nahay wax ka duwan inta kale. Xusuuso. Somaliland waxaa ay halkan ku soo gaadhay nidaam isku dhaf ah ama ‘Dhismaha nabadda iyo dawladnimada oo isku lammaan (hybrid political and security order) oo ah mid loogu tala galay isu-dheeli tirka iyo isku miisaanka danaha kala duwan iyo is-dheelli tirrka labada dhaqan, kan casriga ah iyo kan Somaliyeed (Traditional and Modern value systems)” sida Aadan Muuse qabbo.

Waxaana Somaliland jiritaankeedda dani ugu jirtaa ummadda reer Somaliland oo dhan. Ilbaxnimadda ayaanay meel ka dhac ku tahay in aad khilaafto sharciga adigoo halli kara xal aad tabashaddaada u bandhigto haddii ay jirto. Ugu danbeyn, waxa aynu isku waaninaynaa in aynu wadda illaashano danta guud oo tan gaarka ah ka horumarrino iyo inaynu sidii dhaqanka inoo ahayd ee aynu kaga doorka roonaanay Waddamada jaarka ah iyo xattaa kuwa aduunyadda kale ee dagaaladda ka soo doogay inaynu ka wada qayb qaadano illaalinta wada jirka.

Dawannews Hargeysa office

 

 

41 total views, 1 views today

LikeBox

Facebook By Weblizar Powered By Weblizar

Find us on Facebook

Barnaamijyadda

More Barnaamijyada